Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo casho lagu maamusayo 1-da Luulyo u sameeyay diblomaasiyiinta shisheeye

admin by admin
July 2, 2019
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo casho lagu maamusayo 1-da Luulyo u sameeyay diblomaasiyiinta shisheeye
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada casho sharaf lagu maamusayo toddobaadka xorriyadda ugu sameeyay diblomaasiyiinta iyo danjirayaasha dalalka aan saaxiibbada nahay ee ka hawlgala Muqdisho.

Madaxweynaha oo hadal kooban munaasabadda ka jeediyay ayaa ka sheekeeyay sooyaalka Soomaaliya iyo marxaladdii adkayd ee dalku soo maray isaga oo hoosta ka xarriiqay in waddanku uu hadda cagta saaray dhabbaha xasilloonida iyo horumarka.
Madaxweynaha ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tixgeliso saaxiibtinnimada ay dalalka caalamka la leedahay isaga oo sheegay inuu ku kalsoon yahay horumarka iyo dib u soo kabashada Soomaaliya inta ay dowladdu garab ka helayso shacabka Soomaaliyeed ee adkaygsiga badan iyo saaxiibbada caalamka.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

Madaxweyne Farmaajo ayaa marti sharafta uga warbixiyay dadaallada ay dowladdu ugu jirto sidii Soomaaliya loo gaarsiin lahaa horumar waara isaga oo la wadaagay siyaasadaha hor-tabinta u leh dowladda ee dhinacyada amniga, hannaanka maaliyadda iyo siyaasadda loo dhan yahay.

“Sida aad ka warqabtaan, Soomaaliya waxay sannadihii la soo dhaafay samaysay horumar xawli ah, waxaana ku faraxsanahay inaan idin la wadaago in dowladdaydu ay gaartay guullo waaweyn intii aan talada hayay. Dhanka dhaqaalaha, Soomaaliya waxay horumar la taaban karo ka samaysay la dagaallanka musuqmaasuqa, sare u qaadidda dakhliga gudaha iyo buuxinta shuruudaha dayn cafinta ee Hay’adda Lacagaha Adduunka oo meel fiican maraya.”

Madaxweynaha ayaa dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya uga mahadceliyay sida hagar la’aanta ah ee ay u garab taagan yihiin ummadda Soomaaliyeed isaga oo sheegay in dowladda ay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka ay la leedahay guud ahaan Beesha Caalamka.

Munaasabadda casho sharafta waxa sidoo kale ka qaybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Murshal Sheekh Cabdiraxmaan, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow), Wasiirka Warfaafinta ahna Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda iyo Baarlamaanka, Taliyeyaasha iyo Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Dhallinyaro Kula Kulmay magaalada Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Next Post

Carruur Maleeshiyaadka Al Shabaab afduubteen oo laga soo furtay gobolka Sh/dhexe

Next Post
Horjooge Ajinebi ah oo lagu dilay Hiiraan.

Carruur Maleeshiyaadka Al Shabaab afduubteen oo laga soo furtay gobolka Sh/dhexe

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In