Tuesday, October 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daaโ€™uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Wang Yu.

Kulankaasi ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacyada dhaqanka iyo warbaahinta, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen doonista sii ballaarinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dowladood.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐ž๐ฒ๐›๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ฆm๐ž๐ฒ๐ฌ๐ญ๐ข๐ซ๐ค๐š ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐จ ๐ž๐ž ๐๐ž๐ ๐ฆ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š ๐๐š๐ฅ๐š๐ง๐›๐š๐ฅ๐ฅ๐ž ๐ข๐ฒ๐จ ๐†๐ฎ๐ซ๐ข๐œ๐ž๐ž๐ฅ

October 5, 2026
Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026

Wasiirka iyo Safiirka ayaa ugu horeyn si wadajir ah u kormeeray Keydka Codadka Taariikhiga ah ee Radio Muqdisho, halkaas oo ay warbixin kooban oo ku saabsan xaaladda keydka ay ka dhageysteen khubarada Keydka Qaranka iyo qorshaha Wasaaradda ee casriyeynta keydka (digitalization).

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa intaa kadib waxay booqdeen Xarunta Golaha Murtida iyo Madadaalada, halkaas oo si diirran loogu soo dhoweeyay.

Masuuliyiinta ayaa waxaa sii diiran usoo dhoweeyay Hoballada Qaranka ee Waaberi, oo uu horkacayay Maareeye Ku-Xigeenka ahna Ku-Simaha Maareeyaha Guud ee Golaha Murtida iyo Madadaalada Qaranka Mudane Maki Xaaji Banaadir.

Booqashada Xarunta Tiyaatarka ayaa la xiriirtay qorshe la doonayo in dib u habeen casri ah lagu sameeyo xaruntan oo udub dhexaad u ah horumarinta suugaanta, dhaqanka, wacyigelinta iyo isdhexgalka bulshada.

Intii ay booqashadu socotay, Hoballada Waaberi ayaa soo bandhigay heeso luuqadaha Soomaaliga iyo Shiinaha ah ay ku sameeyeen, iyo ciyaaro dhaqameed.

Wasiirka Warfaafinta, Mudane Daaโ€™uud Aweys Jaamac, ayaa uga mahadceliyay Safiirka booqashadiisa iyo taageerada joogtada ah ee Shiinaha, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka qotada dheer ee labada dal.

Wasiirku waxaa uu xusay in sanadkan la xusayo 65 sano oo xiriir saaxiibtinimo ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, wuxuuna yiri:

“Soomaaliya iyo Shiinaha waxa ka dhexeeya xiriir qoto dheer oo dhidibada u aasnaa tan iyo xornimadii, Waxaan si weyn u qadarinaynaa taageerada joogtada ah ee aan ka helno Dowladda Shiinaha, gaar ahaan dhanka dhaqanka iyo warbaahinta.”

โ€˜โ€™Booqashada Safiirka ee Golaha Murtida ee maanta waa mid calaamad u ah saaxiibtinimada ee labada dal iyo xiriirka muddada dheer soo jirayโ€™โ€™ ayuu yiri Wasiirka.

Safiirka Shiinaha danjire Wang Yu ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay booqashada Golaha Murtida Qaranka iyo bandhigga ay sameeyeen Hoballada Waaberi.

Safiirka ayaa intaa ku darey in Dowladda Shiinaha ay ka goโ€™antahay inay sii waddo taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhanka dhaqanka iyo warbaahinta, isla markaana uu u arko in Golaha Murtida uu yahay astaan dhaqan oo heer qaran ah.

Ugu dambeyn, Wasiirka Warfaafinta ayaa Safiirka Shiinaha ku maamuusay laba sawir-gacmeed oo ay soo diyaariyeen Qeybta Farshaxanka Waaberi, mid ka mid ahna uu yahay sawir gacmeedka labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo China oo ka tarjumaya kulankii ugu dambeeyay ee labada Madaxweyne ee ka dhacay magaalada Beijing ee caasimadda China.

Wasiirka waxa kulanka iyo booqashada ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimaha Waaxda Istaraatiijiyadda Warbaahinta, Mudane Cabdishakuur Cali Axmed, iyo Agaasimaha Telefishinka Qaranka, Mudane Maxamedkafi Sheekh Abukar.

Previous Post

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra'iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐ž๐ฒ๐›๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ฆm๐ž๐ฒ๐ฌ๐ญ๐ข๐ซ๐ค๐š ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐จ ๐ž๐ž ๐๐ž๐ ๐ฆ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š ๐๐š๐ฅ๐š๐ง๐›๐š๐ฅ๐ฅ๐ž ๐ข๐ฒ๐จ ๐†๐ฎ๐ซ๐ข๐œ๐ž๐ž๐ฅ

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐ž๐ฒ๐›๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ฆm๐ž๐ฒ๐ฌ๐ญ๐ข๐ซ๐ค๐š ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐จ ๐ž๐ž ๐๐ž๐ ๐ฆ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š ๐๐š๐ฅ๐š๐ง๐›๐š๐ฅ๐ฅ๐ž ๐ข๐ฒ๐จ ๐†๐ฎ๐ซ๐ข๐œ๐ž๐ž๐ฅ

October 5, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xafiiska...

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

October 4, 2026
0

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Galmudug, gaar ahaan Waaxda Hydrometeorology, waxay soo saartay saadaasha roobabka ee muddada 04 ilaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In