Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad oo maanta Shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in Dawladda Soomaaliya Xiriirka ay u jartay Jamhuuriyadda Guinea.
Sababta ay Dawladda Soomaaliya Xiriirka ugu Jirtay Jamhuuriyadda Guinea ayuu Wasiir Cawad ku sheegay in dalkaasi uu ku xad-gudbay Qarannimada, Midnimada iyo Wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.
Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sidoo kale Sheegay in Dawladda iyo Ummadda Soomaaliyeed aysan u dulqaadaneynin Xad-gudub lagu sameeyo Madax-banaanida iyo Midnimmada Soomaaliya.
Ugu Dambeyn Wasiir Cawad ayaa sheegay in Dawladda Soomaaliya ay u taagan tahay Ilaalinta iyo Dhawrista Midnimmada, Madax-banaanida iyo Qarannimada Ummadda Soomaaliyeed, isaggoo xusay in Go’aan kasta oo Dawladda ay qaaadaneyso uu ku saleysan yahay u adeegidda danta Shacabka iyo Difaaca Qaranka.