Friday, March 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi ka socday Hay’adda Duulista rayidka Jaamacadda Carabta oo sagootin loo sameeyay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wafdi ka socday Hay’adda Duulista rayidka Jaamacadda Carabta oo sagootin loo sameeyay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya ayaa maanta munaasabad sagootin ah u sameysay afar xubnood oo Quburo ah, kuwaasi oo ka socday Ururka Hay’adda Duulista Rayidka ee Jaamacada carabta, isla markaana  Muqdisho u yimid inay qiimeen ku sameeyaan maamulka Hawada Soomaaliya si loo ogaado awoodda ay  Soomaaliya u leedahay iyo sidii looga taageeri lahaa tababaridda shaqaalaha iyo qalabeyntuba.

Afar Maalin oo ay ku sugnaayeen garoonka Muqdisho waxay kor joogta ka ahaayeen shaqada ka socoto waxa ayna ku amaaneen sida Dowladda Soomaaliyeed ay u xoojineyso horumarinta adaagyada Caalimaga ah ee ka soconaya garoonka Diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Related posts

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

March 27, 2026
Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

March 27, 2026

Eng. Maxamed Rejeb oo hogaaminayay Ururka hay’adda Duulista Hawada ee Jaamacada Carabta ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliyeed ay horumar weyn gaartay, isla markaan loo bahanyahay in la garab istaago.

Dhameystirka Maamulka Hawada Soomaaliya ayaa maraya heerkii ugu dambeyay, waxaana Maareeyaha hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed uu sheegay in  Jaamacadda Carabta ay ka jawaabtay iskaashiga Hay’addaha Duulista ee labada dhinac.

Sidoo kale Maareeyaha Hay’dda Duulista Rayidka Axmed Macalin Xasan waxa uu Barlamaanka ka codsaday inay meel mariyaan Sharciga Maamulka Hawada Soomaaliya, kaasi oo muhiimad u leh shaqada Hay’adda Duulista Rayidka iyo wada shaqeynta hay’addaha Calaamka.

Hay’adda Duulista rayidka Soomaaliya ayaa wada heshiis ay la galeyso dhigeeda dalka Itoobiya, kaasi oo ku saabsan haddii shil diyaaradeed uu ka dhaco hawada labada dal ay baaritaan labada dhinac uga sameeyaan si wadasheynta hay’addaha kale wadamada dariska uu u noqdo mid u madax banaan Soomaaliya.

Previous Post

Somalia starts process to integrate Ahlu Sunna forces into the Somali Security Forces

Next Post

Ra’iisul Wasaare Kheyre “Qabyaaladdii ayaa noqotay aas aaska nolosha, waana xumaan ka daran musuq maasuqa”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Kheyre “Qabyaaladdii ayaa noqotay aas aaska nolosha, waana xumaan ka daran musuq maasuqa”

Ra'iisul Wasaare Kheyre "Qabyaaladdii ayaa noqotay aas aaska nolosha, waana xumaan ka daran musuq maasuqa"

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

March 27, 2026
0

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire...

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

March 27, 2026
0

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa diyaar garowgii ugu dambeeyay ugu jira kulan muhiim ah oo ay galabta...

“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

March 27, 2026
0

Mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada  XFS,Ururka Dhaqaatirta iyo marti sharaf kale ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu talagalay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 26, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgallo qorsheysan, oo lagu dilay Horjoogihii isku xirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In