Monday, August 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo la wareegtay Ciidamo gaaraya 700 iyo Gaadiid dagaal

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab ka sameeyay Gobolka Shabeelaha dhexe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 700 oo Askari iyo Gaadiid dagaal kala wareegtay maamulka Ahlu Sunna ee Degmooyinka Caabud-waaq iyo Balanballe si loo Qarameeyo.

Munaasabadda wareejinta Hubka iyo Ciidanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaayeen,Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Maxamed Cali Xagaa, Taliyeyaasha Ciidamada kala duwan ee Qaranka, Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Xildhibaanno , mas’uuliyiinta maamulka Degmada Balanballe Saraakiil iyo madax kale.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

August 30, 2026
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

August 30, 2026

Ciidanka, Hubka iyo Gaadiidka dagaal ee la wareejiyay ayaa waxaa guddoonsiiyay madaxda iyo Saraakiisha ka socotay Dowladda dhexe ee Soomaaliya, Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Maxamed Cabdi Xaashi.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa soo dhoweyn ka dib, Dowladda dhexe ee Soomaaliya ka codsaday in ay Ciidanka la Qarameynayo ka helaan Gacan buuxda, sida Gaadiidka, Garaaddaha iyo abaal marinnada kale.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda difaaca Soomaaliya, Maxamed Cali Xagaa, ayaa sheegay in ay Soomaaliya kasoo daashay, Dowlad la’aan iyo kala qeybsanaan, isagoo ka codsaday in aan dhismaha Ciidamada lagu hallayn oo keliya Madaxweynaha, Wasiirrada iyo taliyeyaasha, balse cid walba looga baahan yahay in ay kaalin ka qaadato soo celinta Qarannimadii Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal; Daahir Aaden Cilmi (Indha-qarshe), ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin inuu arko Dhallin yaro intaa la’eg oo kusoo biireysa Ciidanka Xoogga Dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale Todobaadkii lasoo dhaafay la wareegtay Ciidankii AhluSunna ee Magaalada Dhuusamareen, iyadoo halkaasi laga billaabay diiwaan gelinta iyo Qaramaynta Ciidankii AhluSunna Waljamaaca.

Previous Post

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ka arrinsanaya wax ka badalka sharciga Shaqaalaha Rayidka

Next Post

Taliyaha ciidanka booliska oo kormeeray xarumo ciidan oo ku yaalla Balanbale, Caabudwaaq iyo Xeraale

Next Post
Askar loo soo xiray dilkii loo geystay gabar ardayad ah “Dhageyso”

Taliyaha ciidanka booliska oo kormeeray xarumo ciidan oo ku yaalla Balanbale, Caabudwaaq iyo Xeraale

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

August 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Luanda ee dalka Angola kaga qaybgalaya Kalfadhiga...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

August 30, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Omar Afrah ayaa kulan la yeeshay Ku-simaha Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐰𝐢𝐭𝐳𝐞𝐫𝐥𝐚𝐧𝐝

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐰𝐢𝐭𝐳𝐞𝐫𝐥𝐚𝐧𝐝

August 30, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta kulan wax-ku-ool ah la yeeshay wafdi ka socday...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

August 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan muhiim ah la yeeshay dhiggiisa dalka Qatar Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In