Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa maanta kulan la qaatay safiirada dalalka caalamka ee u jooga Soomaaliya, kuwaasi oo uu kala haday arrimo muhiim ah.
Wasiirka oo kulanka kaddib saxaafadda u qabtay shir jaraa’id ayaa sheegay in ujeedka kulanka uu ahaa labo arrimood oo kala ah xiriirka Dowladda Soomaaliya ay u jartay Guinea iyo socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ku marayo deegaannada Galmudug.
“Waxaan kala hadalnay labo arrimood, labada arrimood waxa ay ahayd xiriirka aan u goynay dalka Jamhuuriyada Guinea, sababta aan ugu goynay iyo sida aan jecelnahay in beesha caalamku ay hadda ka bacdi arrimaha Soomaaliya ula dhaqanto”. ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya.
Wasiirka ayaa xusay in diblomaasiyiinta uu uga xog waramay socdaalka uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre uu ku joogo deegaanno ka tirsan Galmudug oo uu tilmaamay in laga soo hooyay guulo muhiim ah.
“Xiriirka aan u jarnay Jamhuuriyadda Guinea, waxa uu ku saabsanaa in Guinea ay ixtiraam dareysay oo meel uga dhacday Qaranimada yada, midnimada yada iyo wadajirka Ummadda yadana qatar gelisay, qaladka ay sameeyeen reer Guinea ma ahan oo kaliya inay Qaranimada Soomaaliya u gafeen, laakiin waxa ay waxyeelo ku yihiin oo ay caqabad ku yihiin dib u heshiisiinta Soomaaliya iyo soo uruurinta dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiir Axmed.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa hoosta ka xariiqay in maamulka Somaliland uusan ahayn dal ka madax banaan Soomaaliya mana jirto adduunka meel laga aqoonsanyahay, ย isagoo intaa ku daray in sharciyada Adduunka oo dhan ay qirsanyihiin in Soomaaliya ay tahay hal dal oo madax banaan,ย diblomaasiyiintana looga baahanyahay inay ixtiraamaan arrintaas.
Wasiir Cawad ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay markasta ka go’antahay inay sii wado wada hadalkii ay la lahayd Somaliland.