Thursday, April 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo Qaabilay U Qeybsanaha dhanka Taageerada Hawlgallada ee Xoghayaha QM.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo Qaabilay U Qeybsanaha dhanka Taageerada Hawlgallada ee Xoghayaha QM.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada ku qaabilay U Qeybsanaha dhanka Taageerada Hawlgallada ee Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobey Mudane Atul Khare.

Madaxweyne Farmaajo iyo Mudane Atul Khare ayaa ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya, dadaalka Dowladdu ugu jirto dib u soo kabashada dalka iyo mashaariicda horumarineed ee ay Qaramada Midoobey ka waddo Soomaaliya.

Related posts

Degmada Waaberi oo lagu qabtay kulanka la dagaallanka maandooriyaha

Degmada Waaberi oo lagu qabtay kulanka la dagaallanka maandooriyaha

April 29, 2026
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo daahfuray shirka Taliyeyaasha EAC

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo daahfuray shirka Taliyeyaasha EAC

April 29, 2026

Madaxweynaha ayaa U Qeybsanaha kala hadlay dardargelinta dadaallada Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOS) uu ku garab istaagayo hawlgallada Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM si looga miradhaliyo dagaalka lagu la jiro kooxaha nabad-diidka ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u soo jeediyay U Qeybsanaha dhanka Hawlgallada ee Xoghayaha Guud in Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya uu xoogga saaro sidii mudnaanta koowaad loo siin lahaa in muwaaddiniinta Soomaaliyeed loo qaato shaqooyinka Qaramada Midoobey.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Mudane Khare kala hadlay in dhismayaasha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ay noqdaan kuwo waara oo aan ku meelgaar ahayn si loogu adeego bulshada marka hawlaha haatan loogu tala-galay ay dhammaadaan, isaga oo adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso ilaalinta deegaanka.

Dhankiisa, Mudane Khare ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay soo dhawaynta diirran isaga oo ballan qaaday inuu ka shaqaynayo sidii wax looga qaban lahaa qodobbada ay ka wada hadleen iyo dardargelinta taageerada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Previous Post

Wasiir Sadiiq Warfaa: “Wax ka badelka Sharciga Shaqaalaha rayidka wuxuu Sahlayaa in la helo Shaqaale xirfad leh”

Next Post

Madaxweynaha K/Galbeed oo xariga ka jaray mashaariic laga hirgeliyay degmada Xudur+Sawirro

Next Post
Madaxweynaha K/Galbeed oo xariga ka jaray mashaariic laga hirgeliyay degmada Xudur+Sawirro

Madaxweynaha K/Galbeed oo xariga ka jaray mashaariic laga hirgeliyay degmada Xudur+Sawirro

Degmada Waaberi oo lagu qabtay kulanka la dagaallanka maandooriyaha

Degmada Waaberi oo lagu qabtay kulanka la dagaallanka maandooriyaha

April 29, 2026
0

Waxaa maanta Degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, lagu qabtay kulan dood-wadaag ah oo ku saabsanaa la-dagaallanka maandooriyaha, doodaas oo ay...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo daahfuray shirka Taliyeyaasha EAC

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo daahfuray shirka Taliyeyaasha EAC

April 29, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa si rasmi ah u daahfuray shirka Taliyayaasha Talisyada Sirdoonka...

Koofur galbeed, albaabka Iftiinka Dimuquraadiyadda. 

Koofur galbeed, albaabka Iftiinka Dimuquraadiyadda. 

April 29, 2026
0

koofurgalbeed, waxaa ka socda hardan dimuquraadi ah oo aad u xoog badan kaas oo ay ku baratamayaan dhamaan daneeyayaasha Doorashooyinka...

Hogaamiye Koonfur Galbeed oo Baydhabo ku qaabilay wafdi sare oo ka socda Qaramada Midoobay

Hogaamiye Koonfur Galbeed oo Baydhabo ku qaabilay wafdi sare oo ka socda Qaramada Midoobay

April 29, 2026
0

Hogaamiyaha ku-meel gaarka ah ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Baydhabo ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In