Monday, August 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo furay Shirweynihii 5-aad ee dib u eegista waxbarashada Dalka”SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo furay Shirweynihii 5-aad ee dib u eegista waxbarashada Dalka”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaare ku-xigeynka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaan Maanta Magaalada Muqdisho ka daah furay shirweynihii Shanaad ee dib u eegista waxbarashada Soomaaliya.

Daahfurka shirweynaha waxbarashada Dalka waxaa joob joog ka ahaa, wasiirka waxbarashada xukuumadda  Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre, Wasiirka caafimaadka, wasiir ku xigeenno,Safiirro, Deeq bixiyaal caalami ah, Agaasimayaal iyo marti sharaf kale oo lagu casumay.

Related posts

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

August 31, 2026
Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

August 31, 2026

Shirka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay, xoojinta nidaamka waxbarashada Soomaaliya iyo sidii loo heli lahaa adeeg wax barasho oo dhameys tiran.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed , ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay ka go’an tahay muhiimadda horumarinta waxbarashada Dalka, wuxuuna madaxda wasaaradda ku ammaanay horumarinta waxbarashada iyo dhameys tirka manjah wax tar leh.

Wasiirka waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya mudane ; Cabdullaahi Goodax Barre oo ka hadlay shirweynaha Shanaad ee dib u eegista wax barashada Dalka iyo qorshaha u degsan wasaaradda,

“Waxaa Maanta si rasmi ah noogu furmay shirweynaha 5-aad ee dib-u-eegista waxbarashada Soomaaliya oo socon doona muddo Laba Maalmood ah, isla markaana lagu eegi doono waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee u qabsoomay wasaaradda”ayuu yiri Wasiir Goodax.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa lagu soo bandhigay qorshaha wasaaradda wax barashada Soomaaliya iyo waxyaabaha dhameys tirka u baahan.

Previous Post

Guddoomiyaha golasha Shacabka Soomaaliya oo gaaray Xuddur “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiyaha cusub ee Xamar Jajab oo xilka la wareegay “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha cusub ee Xamar Jajab oo xilka la wareegay “SAWIRRO”

Guddoomiyaha cusub ee Xamar Jajab oo xilka la wareegay "SAWIRRO"

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

August 31, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Belgrade...

Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

August 31, 2026
0

Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Carruurta ee Aqalka Sare ee BJFS, ayaa maanta yeeshay kulankoodii...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

August 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali(Xoosh) ayaa xarunta Wasaaradda ee Muqdisho ku qaabilay Safiirka cusub ee...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar

August 31, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar ahna Wasiirka Difaaca Mudane Sheekh...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In