Monday, March 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xusay in la hirgeliyay qorshe lagu xoojinayo amniga caasimadda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Eng. Yarisow oo sheegay Mataaneynta Muqdisho iyo Saint Paul in qeyb weyn ay ka qaadan doonto horumarka iyo dib-u-soo kabasha Caasimadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Baanadir ahna Duqa Muqdisho ayaa sheegay in ay diyaariyeen qorshayaal lagu adkeeynayo Amniga Caasimada, isla markaana looga hortegayo falalka ay maleegayaan dhagarqabayaasha Al-Shabaab.

Eng Cabdirixman Cumar Cisman Yariisoow oo ka qeybgalay Barnaamijka kulanka Todobaadka ee ka baxa Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in lagu guuleystay hirgelinta nidaamka cusub ee lagu xoojinayo amniga caasimadda, ayna jiraan qorsheyaal kale oo looga hortago qaraxyada ay maleegayaan argagixisada Al-Shabaab.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026
Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

March 30, 2026

“Waxaan dib u eegis ku sameynay istaraatiijiyaddii amniga ee caasimadda, waad la socotaa 30-kii Maarso ayay ahayd markii aan la hadlay shacabka,  una sheegay inaan dejinay nidaam cusub oo xagga amniga ah, isla markaana la sameyn doono howlgallo cusub oo ah, sidee shacabka ku badbaadinaa, sidee ku xoojinaa amniga, runtii waxaan rabaa inaan halkan uga mahadceliyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Ra’iisul Wasaaraha oo awood noo siiyay hirgelinta qorshaha cusub ee amniga” ayuu yiri Eng, Yariisow.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa hoosta ka xariiqay in laga hortegay falkal ka dhan ah Nabad gelyada caasimadda oo ay doonayeen inay sameeyaan Al-Shabaab, isagoo intaa ku daray in la sameeyay baro cayiman oo lagu hubinayo dhaq dhaqaaqyada gaadiidka soo galaya caasimadda, halkaasi oo ay joogaan ciidamo gaaraya saddex kun oo si gaar ah loo tababaray.

Eng, Yariisow ayaa sheegay in maamulada Degmada Heer Waax ilaa iyo tabeelo ay diyaar u yihiin la shaqeynta laamaha amniga, si looga hortago cidkasta oo ka soo horjeedda horumarka caasimadda iyo Nabadgelyada ka jirta.

 

 

 

Previous Post

Ciidamada Amaanka oo Gacanta kusoo dhigay xubno ka tirsan Al-Shabaab+Sawirro

Next Post

Wasiirka Maaliyadda oo la kulmay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

Next Post
Wasiirka Maaliyadda oo la kulmay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda oo la kulmay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS oo si KMG ah maamul cusub ugu magcaawday Gobolka Shabeellada Hoose.

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

March 30, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho ku qaabishay ku xigeenka xafiis...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

March 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay danjireyaasha iyo wakiillada hay'adaha caalamiga...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Wasiir ku-xigeenno

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Wasiir ku-xigeenno

March 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa soo saaray wareegto uu kumagaacabayo Wasiir Ku xigeenno cusub...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In