Saturday, March 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo bogaadiyey olalaha la dagaalannka burcadda hubaysan

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo bogaadiyey olalaha la dagaalannka burcadda hubaysan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo guddoomiyey shirka Amniga Caasimadda ayaa bogaadiyey olalaha la dagaalannka burcadda hubaysan ee dhibaataynaya amniga Caasimadda.

Taliyeyaasha Amniga Gobolka ayaa la wadaagay Guddoomiyaha warbixin ku saabsan hawlgallo ka dhan ah mooryaan hubaysan oo horey ay ugu daba jireen, kuwaas oo dhibaatooyin ka geystay degmooyinka Kaaraan, Cabdicasiis, Yaaqshiid iyo Deynile.

Related posts

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 7, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

March 6, 2026

Taliska ayaa sheegay in cusbitaalka Madiina uu ku naf waayey mid ka mid ah raggii hubaysnaa ee shacabka ku dhibaateyn jiray degmadooyinka Kaaraan iyo Cabdicasiis kaas oo waaran Maxkamadeed horey loogu soo jaray, dhaawaca uu ku naf waayeyna waxa uu ka soo gaaray dagaal uu ku wajahay Laamaha Amniga.

Eng.Yarisow ayaa faray Maamulka Degmooyinka iyo Taliyeyaasha Ciidanka in ay si adag uga hortagaan qof kasta oo dhibaato ku haya shacabka, waxyeellana u gaysanaya amniga Caasimadda.

“Waan wadeynaa ololahan, waxaanna si adag uga digeynaa kuwa caadeystay in ay iska indho tiraan nidaamka iyo awaamiirta lagu sugayo amniga. Nidaam iyo dowladnimo ayaa na wada deeqa.”

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa uga mahad celiyey bulshada Gobolka sida ay ugu mideysan yihiin horumar iyo amniga, ayna ula wadaagayaan Laamaha Amaaka xogta burcadda caadeystay dhibaataynta iyo baadda shacabka.

Previous Post

Hunan-China: Dawlad heer gobal, ka dad, dhaqaale, iyo hurumar badan dalal Africa

Next Post

Xaflad lagu taageeraya Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo lagu qabtay Mareykanka.

Next Post
Xaflad lagu taageeraya Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo lagu qabtay Mareykanka.

Xaflad lagu taageeraya Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo lagu qabtay Mareykanka.

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 7, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

March 6, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta la afuray cutubyo ka tirsan  Ciidanka Xoogga Dalka, isaga oo ku...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jeneraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jeneraal Maxamed Cali Abokor

March 6, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh ka diray geerida, Alle ha u naxariistee, Janaraal...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Afur Sharafeed degmada Xamarweyne ugu qabatay Bulshada Banaadiriga

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Afur Sharafeed degmada Xamarweyne ugu qabatay Bulshada Banaadiriga

March 6, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho Afur Sharafeed ugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In