Wednesday, July 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo bogaadiyey olalaha la dagaalannka burcadda hubaysan

admin by admin
July 15, 2019
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo bogaadiyey olalaha la dagaalannka burcadda hubaysan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo guddoomiyey shirka Amniga Caasimadda ayaa bogaadiyey olalaha la dagaalannka burcadda hubaysan ee dhibaataynaya amniga Caasimadda.

Taliyeyaasha Amniga Gobolka ayaa la wadaagay Guddoomiyaha warbixin ku saabsan hawlgallo ka dhan ah mooryaan hubaysan oo horey ay ugu daba jireen, kuwaas oo dhibaatooyin ka geystay degmooyinka Kaaraan, Cabdicasiis, Yaaqshiid iyo Deynile.

Related posts

Safiirka aan joogtada ahayn ee dalka Comoros oo warqadaha aqoonsiga u gudbiyay madaxweynaha dalkaas

Safiirka aan joogtada ahayn ee dalka Comoros oo warqadaha aqoonsiga u gudbiyay madaxweynaha dalkaas

July 9, 2025
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo magaalada Laascaanood kulan kula yeeshay Guddiga Farasamada Ee Dhammeystirka maamulka SSC-Khaatumo

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo magaalada Laascaanood kulan kula yeeshay Guddiga Farasamada Ee Dhammeystirka maamulka SSC-Khaatumo

July 9, 2025

Taliska ayaa sheegay in cusbitaalka Madiina uu ku naf waayey mid ka mid ah raggii hubaysnaa ee shacabka ku dhibaateyn jiray degmadooyinka Kaaraan iyo Cabdicasiis kaas oo waaran Maxkamadeed horey loogu soo jaray, dhaawaca uu ku naf waayeyna waxa uu ka soo gaaray dagaal uu ku wajahay Laamaha Amniga.

Eng.Yarisow ayaa faray Maamulka Degmooyinka iyo Taliyeyaasha Ciidanka in ay si adag uga hortagaan qof kasta oo dhibaato ku haya shacabka, waxyeellana u gaysanaya amniga Caasimadda.

“Waan wadeynaa ololahan, waxaanna si adag uga digeynaa kuwa caadeystay in ay iska indho tiraan nidaamka iyo awaamiirta lagu sugayo amniga. Nidaam iyo dowladnimo ayaa na wada deeqa.”

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa uga mahad celiyey bulshada Gobolka sida ay ugu mideysan yihiin horumar iyo amniga, ayna ula wadaagayaan Laamaha Amaaka xogta burcadda caadeystay dhibaataynta iyo baadda shacabka.

Previous Post

Hunan-China: Dawlad heer gobal, ka dad, dhaqaale, iyo hurumar badan dalal Africa

Next Post

Xaflad lagu taageeraya Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo lagu qabtay Mareykanka.

Next Post
Xaflad lagu taageeraya Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo lagu qabtay Mareykanka.

Xaflad lagu taageeraya Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo lagu qabtay Mareykanka.

Safiirka aan joogtada ahayn ee dalka Comoros oo warqadaha aqoonsiga u gudbiyay madaxweynaha dalkaas

Safiirka aan joogtada ahayn ee dalka Comoros oo warqadaha aqoonsiga u gudbiyay madaxweynaha dalkaas

July 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO, 09-JULY-2025(COMOROS), Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Tanzania iyo Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), kaas oo sidoo...

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo magaalada Laascaanood kulan kula yeeshay Guddiga Farasamada Ee Dhammeystirka maamulka SSC-Khaatumo

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo magaalada Laascaanood kulan kula yeeshay Guddiga Farasamada Ee Dhammeystirka maamulka SSC-Khaatumo

July 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO, 09-JULY-2025(LAASCAANOOD), Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamuud Aadan Geesood, ayaa maanta magaalada Laascaanood kulan kula...

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo War-Saxaafadeed ka soo saartay qarax maanta ka dhacay Kulliyadda Jaalle Siyaad

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo War-Saxaafadeed ka soo saartay qarax maanta ka dhacay Kulliyadda Jaalle Siyaad

July 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO, 09-JULY-2025(MUQDISHO),Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay qarax uu fuliyay dhagar-qabe naftii hallige ah, kaasi oo...

Ra’iisul Wasaaraha XJFS oo ka qeyb galay Shir-Cilmiyeedka 3-aad ee Madasha Horumarinta Bariga Afrika

Ra’iisul Wasaaraha XJFS oo ka qeyb galay Shir-Cilmiyeedka 3-aad ee Madasha Horumarinta Bariga Afrika

July 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO, 09-JULY-2025(MUQDISHO), Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb galay Shir-Cilmiyeedka 3-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In