Thursday, August 21, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland Oo Daah-furay Mashruuca loogu magacdaray Waxbarashadu yeyna ku seegin+Sawiro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
July 20, 2019
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland Oo Daah-furay Mashruuca loogu magacdaray Waxbarashadu yeyna ku seegin+Sawiro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Daah-furay Mashruuc Waxbarasho oo ballaaran, kaasoo halku dhigiisu yahay Waxbarashadu yeyna ku Seegin, ama “Education cannot Wait”.

Mashruucaan in muddo ah howshiisa laga soo shaqaynayay waxaa ka faa’idaysan doona 40,000 arday oo ku nool gobolada kala duwan ee Puntland, waxaana sidoo kale uu taageeri doonaa dhinacyada tababarada Shaqaalaha Wasaarada Waxbarashada, Macallimiinta iyo sidoo kale ardayda kuwa baahiyaha gaarka ah ay haystaan.

Related posts

Soomaaliya oo ka qayb-galeysa Shirweynaha Caalamiga ah ee Horumarinta Afrika (TICAD9) 

August 21, 2025
Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dambiyada Saybarka Soomaaliya

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dambiyada Saybarka Soomaaliya

August 21, 2025

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo Mashruucaan daah-furay ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu u leeyahay ardayda Puntland.

“Mashruucaan waxaan rajeynaynaa inuu saldhig u noqon doono inaysan marnaba jirin sabab ay ardaydu uga baaqdaan Waxbarashada oo mar walba iyo duruuf walba oo jirta ay la jaan qaadaan Tacliinta”. ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Siciid Deni.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa madaxda Wasaarada Waxbarashada ku booriyay in ay si hoose u eegaan Waxbarashadda dadka reer guuraaga ah oo kamid ah meelaha la qorsheeyay inay mashruucaan ka faa’idaystaan.

Ugu danbayn Madaxweynaha Puntland madane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa u mahahceliyay wasaarada Waxbarashada Puntland iyo hay’adaha gacanta ka gaystay isagoona kula dar-daarmay in mashaariicdaan iyo kuwa lamidka ah la dhowro siday tahayna ay u fulaan, la hareer marin, la lexjeclaysan la musuq maasuqin meeshay ku baboon tahay la marsiiyo.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo kala hadlay Madaxweynaha DG Puntland sii deynta Xubnaha xiran ee Guddiga Dhismaha Waddada Boosaaso

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Dalka Koonfur Afrika+Sawiro

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Dalka Koonfur Afrika+Sawiro

Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Dalka Koonfur Afrika+Sawiro

Soomaaliya oo ka qayb-galeysa Shirweynaha Caalamiga ah ee Horumarinta Afrika (TICAD9) 

August 21, 2025
0

Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Cabdullaahi Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dambiyada Saybarka Soomaaliya

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dambiyada Saybarka Soomaaliya

August 21, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dambiyada Saybarka Soomaaliya, oo...

Shirweynaha dhallinyarada Soomaaliyeed ee Isbeddelka Cimilada oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha dhallinyarada Soomaaliyeed ee Isbeddelka Cimilada oo ka furmay Muqdisho

August 21, 2025
0

Shirweynaha Dhallinyarada Soomaaliyeed ee Isbeddelka Cimilada 2025 ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotel Jazeera, maanta...

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb-galay casho-sharaf uu u sameeyay Madaxweynaha Galmudug

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb-galay casho-sharaf uu u sameeyay Madaxweynaha Galmudug

August 21, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay ka qeybgalay xaflad casho-sharaf ah oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In