Monday, May 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb galay Kulanka Golaha wakiiladda Puntland “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb galay Kulanka Golaha wakiiladda Puntland “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝a

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝a

May 10, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO KHUBADDA MADAXWEYNAHA JFS

May 10, 2026

 Wafdi Xildhibaano ah oo ka kala socda Golaha Shacabka iyo golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Oo ay kala hogaaminayaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Dalka Mudane Abshir Maxamed Axmed “Abshir Bukhaari” ayaa waxa ay maanta ka qeyb hadleen Kulanka Aqalka wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Puntland.

Guddoomiyaha Aqalka Wakiiladda Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed “Dhoobo” oo kulanka shir Guddoomiyay islamarkaana Kulanka furay ayaa wafdigan Kulanka Aqalka kusoo dhoweeyay,waxa uuna sheegay in wada shaqeyn aad u wanaagsan ay ka dhaxeyso Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Aqalka Wakiilada ee Dowlad Goboleedka puntland muhiimna ay tahay in lasii dardar geliyo.

Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Maxamed Axmed “Abshir Bukhaari” ayaa sheegay in Golaha Aqalka Sare uu mar walba diyaar u yahay in Aqalka wakiiladda Puntland uu kala shaqeeyo diyaarinta shuruucda kala duwan iyo kor u qaadida Tayada Xildhibaanada iyo howlwadeenada Aqalka wakiilada Puntland si ay ugu suura gasho fulinta howlaha horyaala.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo amaanay howlaha Ay hayaan Aqalka wakiiladda Puntland ayaa ka hadlay dhowr arrimood Oo ay ka mid yihiin Arrimaha dib u eegista dastuurka iyo doorashooyinka dalka ka qabsoomi doona sanadka 2021-ka oo ah ka mid ah waxyaabaha ay Hada aadka u daneynayaan Golayaasha wakiilada ee Dowlad Goboleedyada iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Xildhibaanada Aqalka wakiiladda Puntland ayaa su’aalo la xiriiray dhameystirka dastuurka iyo Arrimaha doorashooyinka waxa ay weydiiyeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha Aqalka Sare oo Aqalka wakiilada Puntland u faah faahiyay su’aalo ay ka qabeen kala aragti duwanaansho dhowr soo laa laabtay iyo sidii loo xaliyay ,waxaana Sidoo kale Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu aad Xildhibaanda Aqalka wakiilada Puntland ugu faah faahiyay sida uu dastuurka kmg ah ee Dalka uu u kala xadidaayo awoodaha hay’adaha fulinta iyo sharci dejinta ee dalka iyo sidoo
Kale muhiimada ay leedahay wada shaqeynta guud ahaan baarlamaanada dalka.

Sidoo kale waxa ay ugu dambeyn kormeereen qeybaha ay ka koobantahay xarunta Aqalka golaha wakiilada Puntland iyagoona kulan gaar ah la qaatay guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland.

Previous Post

Kullan u dhaxeeyay Wasaaradda Qorsheynta XFS iyo Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud oo ka dhacay Muqdisho “Sawirro”

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay xoojinta iskaashiga Safiirka Kenya+sawirro

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay xoojinta iskaashiga Safiirka Kenya+sawirro

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay xoojinta iskaashiga Safiirka Kenya+sawirro

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝a

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝a

May 10, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb galay munaasabadda xuska Maalinta Yurub (Europe Day)...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO KHUBADDA MADAXWEYNAHA JFS

May 10, 2026
0

Hadal-jeedinta Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee xaaladda guud ee dalka, doorashooyinka qof iyo cod ee sida nabadda ah...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo shir guddoomiyay kulan laba geesood u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Safiirrada dalalka Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo shir guddoomiyay kulan laba geesood u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Safiirrada dalalka Midowga Yurub

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta shir guddoomiyay kulan laba geesood ah...

Xildhibaanno heer Federaal ah oo ka codeeyay doorashada Baydhaba

Xildhibaanno heer Federaal ah oo ka codeeyay doorashada Baydhaba

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, xildhibaanno, iyo shacabka ku nool magaalada Baraawe ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In