Tuesday, August 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Howlgalkii naf hurnimo ee soo celiyay Rajadii Shacabka Awdheegle(Warbixin+sawiro)

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
August 18, 2019
in Wararka
0
Howlgalkii naf hurnimo ee soo celiyay Rajadii Shacabka Awdheegle(Warbixin+sawiro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Isbedelada iyo ififaalooyin jawi farxadeed ku dheehan ayaa u soo bidhaamaya bulshada ku dhaqan Deegaannada Al-shabaab laga qabsaday dhowaantaan,waxaana muuqatanaysaa in haatan ay ka soo kabanayaan dhibaatooyinkii bulshada deegandaasi ay ku hayeen maleeshiyada Alshabaab,kadib markii ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ay awoodoodi ku muquuniyeen koxda Shabaab oo jab xoogan uu soo gaaray todobaadyadii ugu dambeyeey.

Xaaladda degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelada Hoose oo kamid ah goobihii ugu dambeyeey oo laga qabsaday maleeshiyada Shabaab ayaa deggan, waxaa ku sugan ciidammada Xoogga dalka, Al-shabaab howlgalladii looga saaray ayaa lagu gaarsiiyey jab xooggan oo maleeshiyo badan ayaa looga dilay kuwa kalena gacanta ayeey ku dhigeen ciidammada Xoogga dalka.

Related posts

Wasiir Fiqi” Kuwa u baahan dhiirigelinta waa Bulshada, idinkuna waxaa tihiin geesiyaal,”

Wasiir Fiqi” Kuwa u baahan dhiirigelinta waa Bulshada, idinkuna waxaa tihiin geesiyaal,”

August 19, 2025
Ciidanka Kumandooska Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 18 ka tirsan Argagixisadda Al-shabaab.

Ciidanka gaarka ah ee Danab oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degmada Awdheegle.

August 19, 2025

Saraakiisha ciidanka ayaa warbaahinta dowladda u xaqiijiyey in ay dib u bilowdeen dhaq-dhaqaaqyadii kala duwanaa, sida Ganacsiga iyo Gaadiidka.

“Waxaa mahad u sugnaatay Alle SWT,marka labaada waxaan u mahadcelinaynaa intii nagala shaqeysay in aan nimankaan Jid iyo jahdiidka ah,oo bulshada nabadda u diiday aan ka saarno deeganaadaan,waxaan rabaa in aan idin sheego reer Awdheegle in aad tihiin dad wanaagsan oo qalbi furan,sida aad ula shaqeysaan ciidanka xooga dalka,100% halala shaqeeyo ciidanka xooga dalka si kooxahana umadda Soomaaliyeed dhiigoodi,hantidooda baneystay wax looga qabto”. Ayuu yiri Janaral Odawaa Yuusuf Raage taliyaah ciidanka dhulka ee Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Waxgaradka iyo Shacabka deegaanada la xoreeyay oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa si weyn u soo dhaweyeey howlgalada ciidanka xoogga dalka ay ku bad baadinayaan nolosha shacabka oo ay dhibaateeyeen maleeshiyada Alshabaab.

Saameyntii ka dhalatay cadaadiskii guracanaa ee argagixisadu ku hayeen shacabka Degmada Awdheegle iyo deegaannadii u dambeeyey ee Al-shabaab laga saaray ayaa waxaa kamid ah in dadku ay waayeen adeegyadii muhiimka u ahaa noloshooda, sida, waxbarasho iyo caafimaad iyo kuwo kale,bacdamaa goobahaas ay burburiyeen argagixisada Al-shabaab intii ay joogeen halkaasi,balse haatan waxaa jirta rajo ku aadan in noloshdii iyo adeegyadii bulshada ay dib u soo laabanayaan.

Xaqjiriinta Shabaab ayaa lagu yaqaanaa in ay burburiyaan goobaha muhiimka u ah bulshada oo ay ka helaan adeegyada aas aasiga u ah noloshooda,ha noqoto waxbarasho,caafimaad,amni,ganacsi,si ay ugu sahlanaato in ay shacabku afduub ugu jiraan,balse waxaa taasi ka dhiidhiyay ciidanka Xoogga Dalka oo naftoodi u huray difaaca dadka iyo dalka.

Wixii ka dambeeyey markii argagixisada Alshabaab laga saaray deegaanadaasi bulshada ku dhaqan Awdheegle ee gobolka Shabeelada Hosoe ayaa dareemaya yiddidiilo ku aaddan in ay soo gaaraan hey’adaha kala duwan ee dowladda oo soo celiya dhammaan kaabayaasha aas-aasiga u ahaa nolosha bulshada.

Naftood hurayaasha ciidanka Xooga Dalka oo ka damqanaya dhibaatooyinka in muddo ah bulshadu ay ku hayaan Shabaab ayaa u muuqda kuwo aan meel ku hakan balse baacsanayaa meelkasta oo argagixisadu ay ku dhuumaalaysanayaan.

Seddexdii bilood ee la soo dhaafay ayaa muuqaneysa in Argagixisada gacantooda laga saaray goobo muhiim ah oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose,waana bilowga qorshaha ciidamada Qalabka sida ay isugu diyaarinayaan in guud ahaan ammaanka dalka si buuxda ay ugala wareegayaan Ciidanka AMISOM.

Previous Post

Gudoomiye Najax oo Hay’adaha Gargaarka kala Hadley sidii gargaar loo gaarsiin lahaa Aw-dheegle.

Next Post

Aragtida Dastuurka KMG ee Maaraynta Murannada Federaalka

Next Post
Aragtida Dastuurka KMG ee Maaraynta Murannada Federaalka

Aragtida Dastuurka KMG ee Maaraynta Murannada Federaalka

Wasiir Fiqi” Kuwa u baahan dhiirigelinta waa Bulshada, idinkuna waxaa tihiin geesiyaal,”

Wasiir Fiqi” Kuwa u baahan dhiirigelinta waa Bulshada, idinkuna waxaa tihiin geesiyaal,”

August 19, 2025
0

Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya Amb. Ahmed Macallin Fiqi oo kormeeray furimaha dagaalka ka dhanka Khawaarijta ee gobolka Shabeellaha Dhexe...

Ciidanka Kumandooska Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 18 ka tirsan Argagixisadda Al-shabaab.

Ciidanka gaarka ah ee Danab oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degmada Awdheegle.

August 19, 2025
0

Ciidamada Gaarka ah ee Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay degmada Awdheegle...

Hay’adda SoDMA oo soo saartay wargelin muhiim ah

Hay’adda SoDMA oo soo saartay wargelin muhiim ah

August 18, 2025
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee (SoDMA), ayaa raadinaysaa shirkado dhismo oo ka qeyb qaata dhismaha Xarunta Hawlaha gurmadka Degdeg ah...

Wafdi sare oo ka socda Hay’adda SoDMA oo gaaray Belad-xaawo

Wafdi sare oo ka socda Hay’adda SoDMA oo gaaray Belad-xaawo

August 18, 2025
0

Wafdi sare oo ka socda Hay’adda Maareynta Musibooyinka Qaranka ee SoDMA, uuna hoggaaminayo Agaasime Guud Cabdirashiid Maxamuud Xasan ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In