Sunday, June 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamo ka tiran Amisom oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb+sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
August 31, 2019
in Wararka
0
Ciidamo ka tiran Amisom oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamo ka tirsan Howlgalka Nabad ilaalinta midowga Afrika ee Amisom ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug halkaasoo uu  ugasii horeeyey Taliyaha guud ee Amisom.

Ciidamadan  oo ka socda  Dalka Jabuuti kana qaybta  ah Howlgalka AMISOM ayaa waxaa soo dhaweeyey Saraakiisha Qaybta 21aad ee Ciidamada Xoogga Dalka,   Xildhibaano Heer Federaal ah iyo Bulshada deegaanka  kuwaasoo  uga hortagay duleedka Dhuusamareeb, waxaana haatan garoonka kubadda cagta ee dhuusamareeb ka socota Munaasabad lagusoo dhaweynayo.

Related posts

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025

Ciidamada ayaa xalay  soo maray Magaalada Guriceel iyagoo  ugasii ruqaansaday Magaalada  Dhuusamareeb,  Halkaasoo ay ka  socdaan Howlo loogu gogol xaarayo doorashada madaxtinimada Galmudug.

Saraakiisha Hogaaminaysa Ciidamadan AMISOM ayaa waxay  sheegeen  in Ciidamadan ay ka qayb qaadanayaan Sugida Amniga iyo la dagaalanka kooxda  Argagixisada ee Alshabaab.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka ayaa dhankooda sheegay in ciidamadan inta ay joogaan ay ka qeybqaadan doonnaan Howlo muhiim oo dhinaca Amniga la xiriira.

“Ciidamada walaalaheen ee hiil-walaal ee ka socda dalka Jabuuti hadana u yimid inay naga caawiyaan arimaha Amniga, shirarka socda, iyo la dagaalanka Argagaxisada intuba waxaan rajeynayaa inay si fiican noogala  shaqeeyaan, si waynna waan usoo dhaweyneynaa waana ku faraxsannahay inay noo imaadaan” ayuu yiri Taliyaha Qeybta 21 aad ee Ciidamada Xooga Dalkeenna  Gen Cabdicasiis  Cabdullaahi Qooje oo ka hadlayey goob fagaara ah oo Ciidamadaas lagusoo dhaweynayey

Dhinaca kale  Shirkii Dib uheshiisiinta Galmudug ayaa la filayaa in dhawaan uu ka furmo Magaalada Dhuusamareeb iyadoo badi ay halkaas gaareen  Ergooyinki loo qorsheeyey inay shirkaas ka qeybgalaan.

Previous Post

Taliyaha cusub ee ciidanka Asluubta oo si rasmi ah xilka ula wareegay

Next Post

Guddoomiyaha G/Banaadir oo kulan la qaatay ku xigeenada maamulkaasi

Next Post
Guddoomiyaha G/Banaadir oo kulan la qaatay ku xigeenada maamulkaasi

Guddoomiyaha G/Banaadir oo kulan la qaatay ku xigeenada maamulkaasi

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
0

  Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin (Fiqi), oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Khawaarijta  ay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In