Taliyaha cusub ee ciidanka Asluubta Somaaliyeed Jeneraal Mahad C/raxmaan Aadan ayaa maanta xilka kala wareegay Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe),ka dib markii xaflad lagu maamuusaayey xil wareejintaasi oo ay ka dhacday xarunta Taliska Guud ee ciidanka Asluubta ee magaalada Muqdisho.
waxaa ka qeybgalay munaasabadda Wasiirka Caddaaladda Avv.Xasan Xuseen Xaaaji,Wasiirka Dhalinyarada iyo Sportiga Khadiijo Mazamed Diiriye,Xeer ilaaliyaha Guud Dr.Axmed Cali |Daahir iyo Madaxda maxkamadha dalka iyo marti sharaf kale.
Sareeye Guur Bashiir Maxamed Jaamac(Bashiir Goobe) ayaa taliyaha cusub faah faahin ka siiyaya waxqabada ciidanka Asluubta muddadii uu xilka hayay,isagoo xusay in ciidanka Asluubtu ay ku xuquuq yihiin qeybaha kale ee ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed.
“Waxaan dib u dhis ku sameynay ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo xarumihii ciidaNKA mudadii an xafiiska joogya,waxaan sidoo kale ciidamada Asluubtu ay dowr muuqda ka qaateen dib u dhiska goobaha taariikhiga ah ah,sida Daljirka Taalada SYL,Xaawa Taako,Dhagaxtuur iyo gooboo kale”. ayuu yiri Bashiir Goobe.
Jeneraal Mahad C/raxmaan Aadan taliyaha cusub ee ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa ku ammaanay S/guud Bashiir Goobe mudadii uu xafiiska uu joogay waxyaabihii u qabsoomay,isagoo balanqaaday in uu dardar gelin doonon dhameystirka howlaha horyaala taliska.
Ugu dambeyntii Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaaji iyo Xeer-ilaaliyaha guud e Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa u mahadceliyay taliyihii hore,iyagoo kula dardaarmay taliyaha cusub in uu si hufan u guto waajibaadka qaran ee loo igmaday.