Sunday, August 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo Rugta Ganacsiga kala hadlay dib-u-dhiska Caasimadda+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo Rugta Ganacsiga kala hadlay dib-u-dhiska Caasimadda+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa kulan la qaatay madaxda Rugta ganacsiga Soomaaliyeed oo uu hoggaaminaayay guddoomiyaha Rugta ganacsiga Mudane Maxamuud Cabdi Gabeyre.

Kulanka Guddoomiyaha iyo madaxda ka socotay Rugta ganacsiga Soomaaliyeed ayaa waxaa looga hadlay sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen dib-u-dhiska iyo horumarinta Caasimadda, isla markaana loo sii xoojin lahaa wada shaqaynta maamulka iyo ganacsatada.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

August 16, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh oo cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka tababar ugu soo xiray Galgaduud

August 16, 2026

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Filish ayaa tilmaamay in ganacsatada Soomaaliyeed ay laf-dhabar u yihiin dib u dhiska dalka, sidaas darteedna maamulkiisu uu ku dhiirigelinayo bulshada kuwooda dhaqaalaha haystaa inay doorkooda ka qaataan horumarka Caasimadda.

Sidoo kale Duqa Muqdisho ayaa xusay in guud ahaan shacabka Soomaaliyeed u istaagaan sidii kaabayaasha Caasimadda loo dhisi lahaa, si ay ula tartanto Caasimadaha adduunka ee horumaray.

Ganacsatada kulanka la qaatay Guddoomiyaha ayaa balanqaaday in ay sii dardargelin doonaan doorkooda ku addan horumarinta Caasimadda, horey iyo hadana ay diyaar u yihiin kaalinta kaga aaddan.

Kulanka ayaa waxaa ku weheliyey Duqa Muqdisho, Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo magacaabay kusimaha agaasimaha guud ee wasaaradda

Next Post
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo  magacaabay kusimaha agaasimaha guud ee wasaaradda

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo magacaabay kusimaha agaasimaha guud ee wasaaradda

Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

August 16, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka tababar ugu soo xiray Galgaduud

August 16, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Dugsiga Xananbuure ee...

Hay’adda NISA oo war kasoo saartay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka NISA oo hawlgal ku dilay horjoogeyaal ka tirsanaa Khawaarijta

August 16, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan oo 12-kii Agoosto 2026 ka...

Soomaaliya oo ka qayb gashay xuska maalinta Ururka Hay’adaha Hantidhowrka Wadamada Carabta

Soomaaliya oo ka qayb gashay xuska maalinta Ururka Hay’adaha Hantidhowrka Wadamada Carabta

August 16, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hantidhowraha Guud ee JFS, Mudane Axmed Ciise Guutaale, ayaa ka qaybgalay munaasabadda xuska “50 Guurada” ka soo wareegtay markii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In