Friday, November 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo markii u horreysay sameysay guddiga saddex geesoodka Qaran ee Arrimaha Shaqada “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo markii u horreysay sameysay guddiga saddex geesoodka Qaran ee Arrimaha Shaqada “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa maanta Guddoomiyay kullankii ugu horreeyay ee Guddiga saddex geesoodka Qaran ee arrimaha Shaqada oo ay soo qaban qaabisay hay’adda Shaqaalaha Adduunka ee ILO.

Dhismaha guddiga saddex geesoodka Qaran ee arrimaha shaqada Soomaaliya oo wareegto kusoo saaray Wasiir Sadiiq Warfaa ayaa noqonaya markii ugu horreysay ee Soomaaliya laga dhiso guddigan, waxaana kullanka maanta ka qaybgalay dowladda Federaalka, dowlad-gobolleedyada dalka, xiriirka ururrada shaqaalaha Soomaaliyeed ee (FESTU) oo matalayay Shaqaalaha iyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed oo matalaysay loo shaqeeyaha.

Related posts

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

November 7, 2025
Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

November 7, 2025

Madaxa hay’adda shaqaalaha adduunka ILO ee Soomaaliya, Saad Gilani ayaa ugu horreyn sheegay inuu ku faraxsanyahay in Soomaaliya ay fulisay mabaa’didda ururka shaqaalaha adduunka ee ILO, wuxuuna ku ammaanay wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada dowladda federaalka Soomaaliya in uu ku guuleystay inuu isku keenay guddiga saddex geesoodka ah, wuxuuna sheegay tallabadan inay billow u tahay shaqo abuur xoog leh oo dalka laga sameeyo.

Xoghayaha guud ee Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee (FESTU), Cumar Faaruq Cismaan ayaa caddeeyay inay maanta u tahay Soomaaliya maalin weyn, wuxuuna uga mahadceliyay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, mudane Sadiiq Warfaa dadaallada uu galiyay isu keenida iyo dhisida guddigan saddex geesoodka qaran iyo qabsoomida kullanka koowaad ee guddiga.

Cabdi Abshir Dhoore, agaasimaha maamulka ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyay qabsoomida kullanka guddiga saddex geesoodka Qaran, wuxuuna tilmaamay inay door muuqda ka qaadan doonaan dadaallada socda ee Shaqada.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa ku tilmaamay kullanka mid taariikhi u ah Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in loo baahanyahay shaqo abuur tayo leh iyo in la difaaco xuquuqda shaqaalaha ,iyada oo doorka ay qaadanayaan guddiga saddex geesoodka qaran.

“Dadaal dheer iyo waqti badan ayay qaadatay in aan guddigan seddax geesoodka ah dhisno oo aan kullankan uu qabsoomo, wuxuu billlow wanaagsan u yahay in la horumariyo barnaamijka kobcinta dhaqaalaha oo sahal u ah shaqo abuurka iyo dhowrista xuquuqda shaqaalaha” ayuu yiri Wasiir Sadiiq Warfaa.

“Waa markii ugu horreysay ee dalka Soomaaliya oo ah dalkii u dambeeyay ee ILO xubin ka ah uu sameeyo guddiga qaran ee saddex geesoodka ah,” ayuu ku daray Wasiir Sadiiq Warfaa.

Guddiga saddex geesoodka qaran wuxuu sahlaya in la dedejiyo shaqo abuurka iyo siyaasadda horumarinta shaqaalaha,iyada oo la waafajinayo sharuucda dalka ,siyaasadda dowladda iyo qawaaninta caalamiga ah ee ay Soomaaliya qayb ka tahay.

Previous Post

Duqa Muqdisho oo kulan lagu dardargelinayo shaqooyinka la qaatay Maamullada Degmooyinka Gobolka Banaadir “SAWIRRO”

Next Post

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay dhibaatada lagu hayo Soomaalida kunool K/Afrika

Next Post
Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo soo bandhigtay Siyaasadda Aqoonsiga iyo Diiwaan gelinta Dadweynaha “AKHRISO”

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay dhibaatada lagu hayo Soomaalida kunool K/Afrika

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

November 7, 2025
0

Turkiye ayaa maanta oo Jimco ah soo dhaweysay go’aanka Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay,kaas oo liiska cunaqabateynta looga saaray Madaxweynaha...

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

November 7, 2025
0

Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa kulan muhiim ah la qaatay dhigiisa Mudane Amiir Cabdulcasiis...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

November 6, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa masuuliyiinta kala duwan ee qeybaha hoos...

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

November 6, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cali Siyaad, ayaa ku sugan dalka Jabuuti, halkaas oo uu uga qeyb-galayo shir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In