Saturday, November 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhageyso:Guddoonka Golaha Shacabka ayaa bogaadiyey dadaallada dib u heshiisiinta ee Ra’isulwasaaraha XFS ka wado Galmudug.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Ku-xiggeenka Labaad ee Golaha Shacabka  oo Hambalyo u diray Madaxweynaha Puntland iyo Ku-xiggeenkiisa.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

November 7, 2025
Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

November 7, 2025

Guddoonka Golaha Shacabka JFS ayaa bogaadiyey dadaallada dib u heshiisiinta ee uu Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka wado deegaannada Galmudug ayadoo guddoonku uu dadka reer Galmudug ugu baaqay iney nabadooda ilaashadaan  .

Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo wareysi gaar ah siiyey Radio Muqdisho codka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay in uu bogaadinayo dadaallada dib u heshiisiinta gaar ahaanna dadaalladii ugu dambeeyey ee lagu heshiisiiyey beelaha walaalaha ee Xeraale iyo Huurshe.

“Waxaa aad iyo aad farxad noo ah oo aan Dowladda Federaalka ee Ra’isulwasaaraha ugu horeeyo aan ku  bogaadinayo ugana mahad celinayo heshiisiinta beelaha walaalaha ah ee Xeraale iyo Huurshe, waxaan sidoo kale Madaxweynaha iyo odayaasha Dhaqanka uga mahad celinayaa xabad joojintii afar bilood ka hor la dhex dhigay dhinacyadaas walaalaha ah “ayuu yiri Guddoomiye Mahad Cawad.

Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka ayaa si guud u bogaadiyey dadaallada lagu dhisayo Galmudug isaga oo Ra’isulwasaaraha Xukuumadda ku ammaanay waqtiga uu geliyey dhismaha maamulka loo dhan yahay ee Galmudug oo uu sheegay in uu rajeynayo in uu kasoo baxo maamul samatabixin kara Galmudug , sidoo kalena waxa uu bogaadiyey guddiga dib u heshiisiinta Galmudug.

Ugu dambeyn Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka JFS Mahad Cabdalla Cawad ayaa ugu baaqay dadka reer Galmudug iney gacan weyn ka geystaan dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan dhismaha dowlad Goboleed loo dhan yahay oo ay reer Galmudug yeeshaan.

Halkaan ka dhageyso:Codka Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalle Cawad.

Previous Post

Xukuumadda oo War Kasoo saartay Dhibaatooyinka K/Afrika”Dhageyso”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kormeeray Saldhigga Booliiska, Xarumaha Ciidamada Danab iyo Nabad-sugidda+Sawirro

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kormeeray Saldhigga Booliiska, Xarumaha Ciidamada Danab iyo Nabad-sugidda+Sawirro

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kormeeray Saldhigga Booliiska, Xarumaha Ciidamada Danab iyo Nabad-sugidda+Sawirro

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

November 7, 2025
0

Turkiye ayaa maanta oo Jimco ah soo dhaweysay go’aanka Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay,kaas oo liiska cunaqabateynta looga saaray Madaxweynaha...

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

November 7, 2025
0

Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa kulan muhiim ah la qaatay dhigiisa Mudane Amiir Cabdulcasiis...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

November 6, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa masuuliyiinta kala duwan ee qeybaha hoos...

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

November 6, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cali Siyaad, ayaa ku sugan dalka Jabuuti, halkaas oo uu uga qeyb-galayo shir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In