Wednesday, June 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Guddiga Amniga ee Golaha Shacabka oo ka hadlay doorka Golaha ee la xisaabtanka hay’adaha Nabadgelyada “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
September 6, 2019
in Barnaamijyada, Wararka
0
Guddiga Amniga ee Golaha Shacabka oo ka hadlay doorka Golaha ee la xisaabtanka hay’adaha Nabadgelyada “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga amniga iyo Arrimaha Gudaha ee Golaha shacabka ayaa ka hadlay doorka Golaha ee ku aadan la xisaabtanka Hay’adaha Amniga, iyagoo soo jeediyay talooyin ku aadan sida lagu xoojin karo xagga amniga kaddib markii mas’uuliyiin ka tirsan guddiga ay maanta ka qeyb galeen barnaamijka Kulanka Todobaadka ee ka baxa Warbaahinta Qaranka Jimcaha.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Amniga iyo Arrimaha Gudaha ee Golaha Shacabka ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Xildhibaan Maxamed Cabdulle Faarax Geesey iyo Xildhibaan Axmed Ismcaaciil oo xubin ka ah guddiga ayaa si wada jir ah u faah faahiyay doorka guddiga, waxaana ay shacabka ku booriyeen inay muujiyaan kaalintooda kaga aadan la shaqeynta laamaha amniga.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Ururrada Bulshada Rayidka ah

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Ururrada Bulshada Rayidka ah

June 3, 2025
Soomaaliya oo ka qeybgalaysa Shirweynaha Shaqaalaha Caalamiga ah ee ILO

Soomaaliya oo ka qeybgalaysa Shirweynaha Shaqaalaha Caalamiga ah ee ILO

June 3, 2025

Xildhibaan Maxamed Cabdulle Faarax Geesey ayaa ugu horeyn bogaadiyay guulaha laga gaaray Dacwadda Soomaaliya ee dhanka badda, dib u xoreynta deegaannada ku suganyihiin argagixisada Al-Shabaab iyo dadaallada ay xukuumadda Soomaaliya ugu jirto arrimaha dib u heshiisiinta.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga amniga iyo Arrimaha Gudaha ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdulle Faarax Geesey ayaa xusay inay kormeer ku sameeyaan hanaanka ay u socdaan amniga, isagoo intaa raaciyay in howlaha kormeerka kaddib ay kulamo la qaataan saraakiisha ay quseyso.

Xildhibaan Axmed Ismaaciil oo xubin ka ah Guddiga Amniga iyo Arrimaha Gudaha ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in Xukuumadda ay xagga amniga wax badan ka qabatay, balse loo baahanyahay in shacabku ay door muhiim ah ka qaataan, maadaama cadowga shacabkeena waxyeeleynayo uusan ahayn mid dibadda ka yimaada.

Xildhibaan Axmed ayaa yiri “Labo sifo ayaa lagu soo afjari karaa dhibaatada xagga amniga, mid in loo wajaho ciidan oo sida hadda la sameeyo ah, midna in heshiis lala galo oo wada hadal wax lagu dhameeyo.”

Xildibaan Geeseey ayaa mar uu ka hadlayay saameynta ay keeneyso isku shaan dheynta lagu sameynayo laamaha amniga ayaa yiri “Isdhaaf dhaafka Taliyeyaaha ayay ka yimaadaan qaladka xaga nabadgelyada, waayo cadowga waxa uu ka faa’iideysanaya isbadalka lagu sameynayo taliyeyaasha amniga, ka hor inta uusan taliyaha cusub la qabsan howsha loo idmaday, waxaana ku talinaynaa in dadka aqoonta u leh amniga la laasimo oo aan war wareeg la gelinin”.

“Waxaan soo jeedineynaa in laamaha Amniga ay kalsooni dhaw la yeeshaan shacabka, bulshadana ay hay’adaha amniga gacan ku siiyaan sidii looga hortegi lahaa waxkasta oo Nabadgelyada wax u dhimaya”. ayuu Xildhibaan Axmed Ismaaciil.

Qaar ka mid ah dadkii qadka telefoonka kaga qeyb qaatay barnaamijka ayaa su’aalo dhowr ah weydiiyay guddiga, waxaana ay uga jawaabeen si waafi ah.

Xildhibaan Axmed mar uu ka jawaabayay mid ka mid ah su’aalaha la weydiiyay ayaa yiri “Qofka xogta gudbinaya marka hore waa in uu ahaadaa qof ku kalsoon cidda uu xogta la wadaagayo, waana in uu iska hubiyaa xogta run ahaan shaheeda, tankale laamaha amniguna waa inay si dhaqsi leh uga jawaab celiyaan xogta la soo gaarsiiyo” ayuu yiri Xildhibaan Axmed Ismaaciil.

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Dhagax Dhigay Dhismayaal Lagu Kordhinayo Jaamacadda Ummaddu Qaybteeda Caabuudwaaq “SAWIRRO”

Next Post

Askari dilay Seddax walaalo ah oo la Xukumay

Next Post
Askari dilay Seddax walaalo ah oo la Xukumay

Askari dilay Seddax walaalo ah oo la Xukumay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Ururrada Bulshada Rayidka ah

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Ururrada Bulshada Rayidka ah

June 3, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku kulmay qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka...

Soomaaliya oo ka qeybgalaysa Shirweynaha Shaqaalaha Caalamiga ah ee ILO

Soomaaliya oo ka qeybgalaysa Shirweynaha Shaqaalaha Caalamiga ah ee ILO

June 3, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yusuf Mohamed, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Ingiriiska

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Ingiriiska

June 3, 2025
0

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Safiirka Cusub ee Boqortooyada Ingiriiska u...

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay shabakad khawaarij ah

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay shabakad khawaarij ah

June 3, 2025
0

Cabdinaasir Maxamed Xasan, afgaradiisuna tahay Macallim Xaaji ayaa lagu eedeeyay in uu khawaarijta u sameyn jiray gaadiidka ay qaraxyada ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In