Thursday, June 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo ka qeyb galay abaal marin la guddoonsiiyay Xawaaladda Taaj

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
September 7, 2019
in Wararka
0
Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo ka qeyb galay abaal marin la guddoonsiiyay Xawaaladda Taaj
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye ku-xigeenga Golaha Shacabka iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo badhigay abaalmarinta xawaaladda ugu fiican Qaaradda Afrika ee sanadkaan oo ay ku guuleysatay Xawaalada Taaj.

Cali Maxamuud Guuleed Maamulaha Taaj ayaa sheegay in abaalmarintan ay ku heleen dadaal dheeri ah oo ay sameeyeen.

Related posts

Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaab foggaan arag ah uga qeyb galay kulan looga hadlayay Daacuunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaab foggaan arag ah uga qeyb galay kulan looga hadlayay Daacuunka

June 5, 2025
Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo la wareegay xilka

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo la wareegay xilka

June 5, 2025

“Waxaan abaalmarintaan uga guuleysanay waddo naga horumarsan, waxaana ku gaarnay hubinta Wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga dhexe ee habka xawaaladuhu u shaqeeyaan”ayuu yiri Cali.

Cabdulaahi Maxamed Sheekh oo ku hadlayay magaca Ururka Xawaaladleyda ayaa soo dhaweeyay guusha ay soo hooysay Xawaaladda Taaj.

“Meel hoose ayay ka soo bilaabeen waxayna marayaan heer ay ku guuleysteen xawaaladda ugu fiican Qaaradda Afrika” ayuu yiri Cabdullaahi.

Guddoomiyaha Hormuud Axmed Maxamuud Yuusuf. ayaa tilmaamay in ay ku sii dadali doonaan sidii loo horumarin lahaa shirkadaha qeybta ka ah Hormuud.

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa hoosta ka xariiqay in tani ay astaan u tahay guulaha Soomaaliya ay ka gaartay dhanka hufnaanta Maaliyadda.

“In nala aaminay waxaa astaan u ah guusha maanta ay gaartay xawaaladda Taaj” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda oo hadalkiisa ku daray “Xawaaladaha iyo Bankiyo lama ilaawi karo waxwalba waxaan ka shaqaynaynaa inaan u fududeyno waxwalba ay u baahan yihiin”.,

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa hambalyo iyo bogaadin u dirtay madaxda iyo shaqaalaha shirkadda Taaj.

“Hambalyo ayaan leenahay shirkadda Taaj guusheeda, waxaa sabab u ah maamulkeeda, waana ku amaanayaa”.

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya Eng Cabdi Canshuur ayaa sheegay in abaalmarintan ay tahay guul u soo hooyatay dhamaan bulshada Soomaaliyeed.

“Abaalmarintaan waa guul aad u soo hoyseen dhammaan shirkadaha Soomaaliyeed, waxayna dhiira gelin u noqonaysaa shirkadaha”.ayuu yiri Wasiirka Boostada Eng, Cabdicanshuur.

Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Ibraahim Muudey ayaa amaan u jeediyay madaxda Xawaaladda Taaj.

“Hadii la dhihi jiray shirkadaha waxay la shaqeeyaan argagixisada waa been, maantana waxay keeneen abaalmarintaan oo marqaati ka ah inay si sharci ah u shaqeeyaan, dowladda waxaan leenahay mas’uuliyad iska saara ka jawaabidda dhibaatada ay ka cabanayaan shirkadaha, waana dhibaato u baahan in xil la iska saaro”ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka.

Previous Post

Taliska Booliiska oo hakiyay bixinta warqadda dembi la’aanta ee (CID) laga qaato

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Si Heer Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyay Baydhabo “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Si Heer Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyay Baydhabo “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Si Heer Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyay Baydhabo "SAWIRRO"

Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaab foggaan arag ah uga qeyb galay kulan looga hadlayay Daacuunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaab foggaan arag ah uga qeyb galay kulan looga hadlayay Daacuunka

June 5, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Cali Xaaji Aaden, ayaa ka qayb galay shir heerkiisu sarreeyo oo ku...

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo la wareegay xilka

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo la wareegay xilka

June 5, 2025
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xilka u kala wareejiyay Guddoomiyaha...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Ururrada Bulshada Rayidka ah

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Ururrada Bulshada Rayidka ah

June 3, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku kulmay qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka...

Soomaaliya oo ka qeybgalaysa Shirweynaha Shaqaalaha Caalamiga ah ee ILO

Soomaaliya oo ka qeybgalaysa Shirweynaha Shaqaalaha Caalamiga ah ee ILO

June 3, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yusuf Mohamed, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In