Sunday, September 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo ka qeyb galay abaal marin la guddoonsiiyay Xawaaladda Taaj

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo ka qeyb galay abaal marin la guddoonsiiyay Xawaaladda Taaj
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye ku-xigeenga Golaha Shacabka iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo badhigay abaalmarinta xawaaladda ugu fiican Qaaradda Afrika ee sanadkaan oo ay ku guuleysatay Xawaalada Taaj.

Cali Maxamuud Guuleed Maamulaha Taaj ayaa sheegay in abaalmarintan ay ku heleen dadaal dheeri ah oo ay sameeyeen.

Related posts

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

September 12, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026

“Waxaan abaalmarintaan uga guuleysanay waddo naga horumarsan, waxaana ku gaarnay hubinta Wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga dhexe ee habka xawaaladuhu u shaqeeyaan”ayuu yiri Cali.

Cabdulaahi Maxamed Sheekh oo ku hadlayay magaca Ururka Xawaaladleyda ayaa soo dhaweeyay guusha ay soo hooysay Xawaaladda Taaj.

“Meel hoose ayay ka soo bilaabeen waxayna marayaan heer ay ku guuleysteen xawaaladda ugu fiican Qaaradda Afrika” ayuu yiri Cabdullaahi.

Guddoomiyaha Hormuud Axmed Maxamuud Yuusuf. ayaa tilmaamay in ay ku sii dadali doonaan sidii loo horumarin lahaa shirkadaha qeybta ka ah Hormuud.

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa hoosta ka xariiqay in tani ay astaan u tahay guulaha Soomaaliya ay ka gaartay dhanka hufnaanta Maaliyadda.

“In nala aaminay waxaa astaan u ah guusha maanta ay gaartay xawaaladda Taaj” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda oo hadalkiisa ku daray “Xawaaladaha iyo Bankiyo lama ilaawi karo waxwalba waxaan ka shaqaynaynaa inaan u fududeyno waxwalba ay u baahan yihiin”.,

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa hambalyo iyo bogaadin u dirtay madaxda iyo shaqaalaha shirkadda Taaj.

“Hambalyo ayaan leenahay shirkadda Taaj guusheeda, waxaa sabab u ah maamulkeeda, waana ku amaanayaa”.

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya Eng Cabdi Canshuur ayaa sheegay in abaalmarintan ay tahay guul u soo hooyatay dhamaan bulshada Soomaaliyeed.

“Abaalmarintaan waa guul aad u soo hoyseen dhammaan shirkadaha Soomaaliyeed, waxayna dhiira gelin u noqonaysaa shirkadaha”.ayuu yiri Wasiirka Boostada Eng, Cabdicanshuur.

Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Ibraahim Muudey ayaa amaan u jeediyay madaxda Xawaaladda Taaj.

“Hadii la dhihi jiray shirkadaha waxay la shaqeeyaan argagixisada waa been, maantana waxay keeneen abaalmarintaan oo marqaati ka ah inay si sharci ah u shaqeeyaan, dowladda waxaan leenahay mas’uuliyad iska saara ka jawaabidda dhibaatada ay ka cabanayaan shirkadaha, waana dhibaato u baahan in xil la iska saaro”ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka.

Previous Post

Taliska Booliiska oo hakiyay bixinta warqadda dembi la’aanta ee (CID) laga qaato

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Si Heer Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyay Baydhabo “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Si Heer Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyay Baydhabo “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Si Heer Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyay Baydhabo "SAWIRRO"

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

September 12, 2026
0

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa Lagu Eedeeyay in uu si kas ah u dilay Marxuum Cabdicasiis Sheekh...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed XDS General Sahal Cabdullaahi Cumar oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS ayaa...

Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

September 12, 2026
0

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ka daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta, xirfadaha iyo wada-shaqaynta guddiyada iskaashiga Booliiska iyo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

September 12, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In