Thursday, July 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaara Khayre Oo Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirrada Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaara Khayre Oo Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirrada Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed oo looga hadlay dardar-gelinta shaqooyinka tubaha Koonfur Galbeed.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in ku shaqeynta tubuhu ay qayb ka noqoneyso dejinta nidaam lagu shaqeeyo Mustaqbalka, loona baahanyahay in wadajir looga howl galo si loo fududeeyo hir-gelinta halbeegyada tubaha ee muhiimka u ah u adeegidda bulshada, gaaridda hadafyada waaweyn  ee qarannimo iyo hir-gelinta himilooyinka bulshadu ay leeyihiin.

Related posts

Shaqsiyaadkii kaalinta muuqata ka qaatay xuska Toddobaadka Xorriyadda oo xaflad loo qabta

Shaqsiyaadkii kaalinta muuqata ka qaatay xuska Toddobaadka Xorriyadda oo xaflad loo qabta

July 8, 2026
IGAD oo Dardargelinaysa Taageerada Ansixinta iyo Dhaqan-gelinta Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka ee Soomaaliya

IGAD oo Dardargelinaysa Taageerada Ansixinta iyo Dhaqan-gelinta Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka ee Soomaaliya

July 8, 2026

Ra’iisul Wasaaraha oo golaha wasiirrada u sheegay in socdaalkiisa ay qayb ka tahay dhageysiga bulshada si loo helo fikirkooda horumarineed, ayaa qiray in ay muhiim tahay wada shaqeynta dowladda dhexe iyo dowlad gobaleedyada si loo hirgeliyo qorshayaasha horumarineed ee bulshada lagu gaarsiinayo amni hagaagsan, caafimaada iyo waxbarasho tayo sare leh oo lacag la’aan ah.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa madaxweynaha Koonfur Galbeed ku ammaanay wax qabadka ballaaran ee maamulkiisu qabtay intii uu xilka hayay iyo sida uu tusaalaha wanaagsan ugu yahay wada-shaqeynta dowladda dhexe iyo dowlad gobaleedyada dalka.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa sidoo kale kormeeray qaar kamid ah wasaaradaha  iyo Madaxtooyada Dowlad gobaleedaka Koonfur Galbeed, waxa uuna howl wadeennada wasaaradaha ka xog wareystay hannaanka ay u wadaan shaqada loogu adeegayo shacabka Koonfur Galbeed.

Previous Post

Hay’adda Somali Relief Network Network Of North America  ee Soomaaliya oo Deeq xoolo ah gaarsiiyay dadka danyarta ah ee ku nool Afgooye.

Next Post

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay Agaasimayaasha Warbaahinta gaarka loo leeyahay+Siwirro

Next Post
Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay Agaasimayaasha Warbaahinta gaarka loo leeyahay+Siwirro

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay Agaasimayaasha Warbaahinta gaarka loo leeyahay+Siwirro

Shaqsiyaadkii kaalinta muuqata ka qaatay xuska Toddobaadka Xorriyadda oo xaflad loo qabta

Shaqsiyaadkii kaalinta muuqata ka qaatay xuska Toddobaadka Xorriyadda oo xaflad loo qabta

July 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa xaflad abaalmarin iyo maamuus ah u qabtay haldooradii...

IGAD oo Dardargelinaysa Taageerada Ansixinta iyo Dhaqan-gelinta Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka ee Soomaaliya

IGAD oo Dardargelinaysa Taageerada Ansixinta iyo Dhaqan-gelinta Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka ee Soomaaliya

July 8, 2026
0

Urur-goboleedka Iskaashiga Horumarinta Bariga Afrika (IGAD) ayaa Arbacadii sii xoojiyey dadaallada uu ku taageerayo Soomaaliya sidii loo dardargelin lahaa ansixinta...

DAAWO SAWIRRADA: Howlgalkii Ciidanka Ay Kula Wareegeen Kuntuwaareey Iyo Carruur Ay Soo Furteen

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaariijta

July 8, 2026
0

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidamada Ammaanka Jubbaland, ayaa waaberigii maanta howlgal ka dhan ah maleeshiyaadka...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha CXDS oo kormeeray Dugsiga Tababarka Qorilow

Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha CXDS oo kormeeray Dugsiga Tababarka Qorilow

July 8, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In