Tuesday, May 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

FIFA “Wiilasha Mucjisada ah ee Soomaaliya oo ku haminaya in ay taariikh hor-leh sameeyaan”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
FIFA “Wiilasha Mucjisada ah ee Soomaaliya oo ku haminaya in ay taariikh hor-leh sameeyaan”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Oraahdaan soo jiidashada leh waxaa lagu qoray Website-Ka xiriirka caalamiga ah ee kubadda cagta adduunka ee FIFA, waxeyn cadeen u tahay in ay Soomaaliya dib usoo laabatay oo markan aysan aheyn sidii hore.

Guushii geesiyada Xulkeenu ay ka gaareen dhigooda Zimbabwe waxey abuurtay taariikh cusub oo lagu rajo weynyahay in ay galabta dhasho mid kaloo kasii farxad badan oo diiwaankeenana ku cusub, taariikhda kubadda cagtana gali doonta.

Related posts

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka XDS oo guddoomiyay kulan amniga looga hadlayey

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka XDS oo guddoomiyay kulan amniga looga hadlayey

May 19, 2026
Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

May 19, 2026

Wiilasha Qarankeena oo kulankii lugta hore ee Isreebreebka koobka adduunka 1-0 afka ciida ugu daray dhigooda Zimbabwe ayaa galabta markale rajeynaya inay libin kala soo laabtaan garoonka National Stadium ee magaalada  Harare ee caasimadda dalka Zimbabwe, taas oo noqon doonta mucjiso kale oo ay dhigaan xidigaha xulka Qaranka Soomaaliya oo laga soo kala xulay gudaha dalka iyo dibadiisaba.

Leyliyaha reer Ghana  ee hogaaminaya xulka Qaranka Soomaaliya   Bashir Hayford ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay kulanka ay galabta wajihi doonaan xulka Zimbabwe, wuxuuna sheegay inay si weyn u diyaar garoobeen, isla markaana ay sameyn doonaan wax walba oo ay ku guuleysan karaan.

Tababaraha xulka Zimbabwe Joey Antipas  oo dhankiisa Warbaahinta la hadlay ayaa wal wal ka muujiyay kulanka galabta dhici doona, wuxuuna tilmaamay in aan la sahlan karin bandhigga iyo xirfada cajiibka ah oo ay soo bandhigeen xulka Qaranka Soomaaliya, isagoo xulkiisa kula taliyey inay feejignaan dheeri ah muujiyaan si ay u aargutaan.

Madaxda ugu sareysa dalka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ayaa hiil iyo duco la garab taagan Xulka Qaranka, iyadoo ay xusid mudantahay in dhallinyaro badan oo iskood isku abaabulay ay kasoo ambo baxeen dalal badan oo ay ka mid yihiin Zambia, Mozambique iyo South Afrika   si ay  u garab istaagaan xulkeena Ocean Stars oo talaabo u jira inay usoo baxaan wareega xiga ee isreeb reebka koobka dunida ee sanadka 2022 lagu qaban doono dalka Qatar.

Hadii wiilasha xulkeenu ay guuleystaan oo ay taariikhda markii ugu horeysay u tallaabaan wareega labaad ee Isreebreebka koobka dunida, waxey ka mid noqon doonaan 14-ka xul ee kasoo gudba wareega koowaad, kuwaas oo ku biiri doona 26-ka xul ee ugu awooda badan Qaarada Afrika, waxeyna wadartu noqon doonto 40 xul, iyadoo kadibna loo sameyn doono isku aadka wareega xiga waxaana  loo qeybin doono 10 Groups.

W/Q Xabiib Axmed Cali

Previous Post

Wasaaradda Cadaaladda DFS ayaa sheegtay in uu socdo Qorshe lagu hormarinayo hanaanka Cadaaladda dalka “Dhageyso”

Next Post

R/wasaaraha XFS oo gaaray magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bokool

Next Post
R/wasaaraha XFS oo gaaray magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bokool

R/wasaaraha XFS oo gaaray magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bokool

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka XDS oo guddoomiyay kulan amniga looga hadlayey

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka XDS oo guddoomiyay kulan amniga looga hadlayey

May 19, 2026
0

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Cabdullahi Xuseen Cirro ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlay amniga Gobolka Baay...

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

May 19, 2026
0

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in ka badan 90 dal oo caalamka ah, ayaa booqasho ku tagay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Talyaaniga ee Soomaaliya

May 18, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya,...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

.Bayaan ka soo baxay Dowladda oo lagu taageeray Boqortooyada Sacuudiga

May 18, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa isku dayga weerar ee loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kaas oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In