Friday, January 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xeer illaaliyaha Guud ee Qaranka oo gaaray magaalada Baydhabo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Xeer illaaliyaha Guud ee Qaranka oo gaaray magaalada Baydhabo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu hogaaminayo Xeer ilaaliyah Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xaruunta Gobolka Baay, waxaana garoonka diyaaradaha Baydhabo ku soo dhaweyay Wasiiro, Xildhibaanno ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Guddomiyaha Maxkamadda  Sare Ee Dowlad Goboleedka KGS Mudane Axmed Cali Muuse.

Soodhaweyn ka dib waxaaa loo soo galbiyay Xaruunta Madaxtooyada Koonfur galbeed Halkaasi oo ay kullan kula qaateen Guddoomiyaha Baarlamanka KG Mudane Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna Maye , iyagoona ay iska xog wareysteen Xaaladda dalka iyo ujeedka Maanta Baydhabo u gaareen.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo ka hadlay xaaladda dalkeenna

January 8, 2026
Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

January 8, 2026

Dhanka Kale wafdiga Xeer Ilaaliyah Qaranka ayaa Waxaa ay Booqdeen Xaruunta Maxkamada Sare ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Waxana halkaasi ku soo dhaweyay Shaqaalaha Maxkamadda iyo Madaxdooda Kala Duwan.

Sido kale Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa waxa uu kormeeray Xabsiga Dhexe ee magaalada Baydhabo, isagoo Xaaladda Xabsiga iyo Maxaabiista Ku jirta warbixin ka siiyay Taliyaha Ciidanka Asluubta KGS.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Axmed Cali Muuse ayaa Baydhabo Ku soo dhaweyay Wafdi Uu Hogaaminaayo Xeer Ilaaliyaha qaranka .

Dr. Axmed Cali Daahir ayaa ka warbixiyay ujeedada ay u soo gaareen Magaalada Baydhabo, isagoona sheegey in uu u yimid sidii ugu kuurgali lahaa qaabka uu u shaqeeyo Xabsigga iyo Garsoorka KGS.

Previous Post

215 qof oo u fadhiistay imtixaan Garsoorenimo “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo magacaabay Guddi ka soo tala bixiya Waddooyinka xiran ee Muqdisho

Next Post
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo magacaabay Guddi ka soo tala bixiya Waddooyinka xiran ee Muqdisho

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo magacaabay Guddi ka soo tala bixiya Waddooyinka xiran ee Muqdisho

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo ka hadlay xaaladda dalkeenna

January 8, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaaladda dalka, dadaallada...

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

January 8, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Aadan Maxamed, ayaa maanta ka qaybgalay kulankii...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil oo ka socda  Muqdisho

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil oo ka socda Muqdisho

January 8, 2026
0

Bannaanbax ka dhan ah xadgudubka Israa’il ee madaxbannaanida JFS ayaa caawa ka socda Muqdisho. Bannaanbaxan ayaa waxaa dhigaya boqolaal qof...

Taliska Booliska Gobalka Banaadir oo qabtay kulan looga hadlayay amniga Caasimadda

Taliska Booliska Gobalka Banaadir oo qabtay kulan looga hadlayay amniga Caasimadda

January 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin, ayaa guddoomiyay shir deg-deg ah oo looga hadlayay amniga Caasimadda....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In