Saturday, May 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Horjooge ka tirsanaa Shabaab oo isu soo dhiibay ciidanka xoogga ee ku sugan Xudur “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Horjooge ka tirsanaa Shabaab oo isu soo dhiibay ciidanka xoogga ee ku sugan Xudur “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Horjooge ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab ayaa isu soo dhiibey ciidanka xoogga dalka ee ku sugan Degmada Xudur ee Gobolka Bakool kaddib markii ciidanku ay howlgallo lagu baacsanayo maleeshiyada Al-Shabaab ay ka wadaan deeganno hoostaga Gobolka.

Hor-joogahan oo uu Magaciisa Af-garashadu ahaa Seyfu-Laah, ayaa sheegay in uu ka tanaasulay fikirkii gurracnaa ee Argagixisada, wuxuuna codsaday in la cafiyo, haatanna uu diyaar u yahay in uu la dagaallamo Al-Shabaab.

Related posts

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saaka ee magaalada Baydhaba

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saaka ee magaalada Baydhaba

May 30, 2026
Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay xubno ka dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay xubno ka dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

May 30, 2026

Yaroow Xasan Aaden, oo loogu yeeri jiray (Seyfu-Laah), ayaa sheegay in uu Al-Shabaab ugu soo baxay xasuuqa ay u geysanayaan Ummadda muslimiinta ah ee Soomaaliyeed, Dadkuna ay macna la’aan ku gowracayaan, isla maraakan uusan waxba ka qaban karin.

Seyfu-Laah, ayaa sheegay in uu kasoo dagaallamay Gobollo badan oo ka tirsan Soomaaliya,wuxuuna Kooxda Al-Shabaab u qaabbilsanaa isku xirka Ciidanka iyo hor-joogayaasha.

Sargaal u hadlay ciidanka xoooga dalka ayaa sheegay in horjoogahan uu xiriir la soo sameeyay ciidanka, sidaasna ay ugu suurta gashay inay uu isu soo dhiibo, kaddib markii uu qirtay dhibaatada ay argagixisada ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Ciidanka xoogga dalka ee ka howlgalla deegaannada Koonfur Galbeed ayaa wado howlgallo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab, taasi oo keentay in horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan ay ka soo goostaan kooxda Al-Shabaab.

Previous Post

Dowladda Soomaaliya “Ciddii fulisa amarrada Al-Shabaab tallaabo ayaan ka qaadeynaa”

Next Post

Wafdi ay hoggaaminayso Danjiraha Jarmalka ee Soomaaliya oo Baydhabo gaaray “SAWIRRO”

Next Post
Wafdi ay hoggaaminayso Danjiraha Jarmalka ee Soomaaliya oo Baydhabo gaaray “SAWIRRO”

Wafdi ay hoggaaminayso Danjiraha Jarmalka ee Soomaaliya oo Baydhabo gaaray "SAWIRRO"

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saaka ee magaalada Baydhaba

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saaka ee magaalada Baydhaba

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada Soomaaliyeed la wadaagayaa in Ciidanka Qaranka ay saaka aroortii fashiliyeen...

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay xubno ka dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay xubno ka dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyey liiska saddexda (3) xubnood ee ka haray xubnaha ku guulaystay kuraasta Golaha Wakiillada ee...

Soomaaliya iyo Ruushka oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca ee labada dal

Soomaaliya iyo Ruushka oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca ee labada dal

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Cali Cabdi, oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Moscow ee...

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarradii ka dhacay dalka Kuwait

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarradii ka dhacay dalka Kuwait

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujineysaa garab istaag buuxa oo ay la garab taagan tahay Dowladda walaalaha ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In