Sunday, October 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaare Kheyre oo la kulmay Haweenka Koofur Galbeed

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul wasaare Kheyre oo la kulmay Haweenka Koofur Galbeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ciidamada Qaranka Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Xubno Khawaarijta Ka Tirsan

Ciidamada Qaranka Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Xubno Khawaarijta Ka Tirsan

October 12, 2025
Soomaaliya Oo Maanta Laga Xusayo Maalinta Calanka Ee 12-ka October

Soomaaliya Oo Maanta Laga Xusayo Maalinta Calanka Ee 12-ka October

October 12, 2025

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya mudane; Xasan Cali Khayre, ayaa Haweenka Koofur Galbeed ku boorriyay in ay codkooda kor u qaadaan, si ay u qaataan doorkooda ku aaddan adkaynta Dowladnimada iyo horumarinta Dalka.

Mudane; Kheyre, oo Magaalada Baydhabo kulan kula qaatay qaar kamid ah Haweenka Koonfur Galbeed, ayaa caddeeyay in Haweenka Soomaaliyeed ay dul-qaad badan yihiin, qeyb muhiim ahna kasoo qaateen badbaadinta iyo samata bixinta Ummadda xilligii ay xaaladdu adkeyd.

Wuxuuna kula dardaarmay in ay midoobaan, wada-shaqeeyaan, oo ay ka leexdaan waddadii khilaafka, horumuudna ay ka noqdaan ka dhabeynta rajada Dalku leehayay iyo gaaridda hadafyada waaweyn ee la hiigsanayo.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Haweenka Soomaaliyeed ay Boqolkiiba Konton ka yihiin Bulshada, aqoonna Ragga ay kala simanyihiin, suuragalna aysan ahayn in Dalku uu horumar gaaro, adduunyadana la tartamo haddii Haweenka aan xuquuqdooda la siin oo aan laga tala gelin ka shaqeynta danta iyo mustaqbalka Ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa Haweenka kula dardaarmay in ay ka qeyb qaataan sugidda amniga, Ciidankana ku dhiirri geliyaan gudashada waajibaadka saaran, xogtana ay la wadaagaan, si Bulshada Soomaaliyeed ay u hesho amni la isku hallayn karo.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo la kulmay rugta ganacsiga Koofur Galbeed ayaa uga mahad celiyay doorka ay ganacsatadu ka qaadatay kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka, waxa uuna kula dardaarmay in ay xoogga saaraan sidii loo sii horumarin lahaa ganacsiga Dalka.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Baydhabo Kula Kulmay Mas’uuliyiin Ka Socota Qaramada Midoobay Iyo Bangiga Adduunka

Next Post

Maleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu laayay Shabeellaha Hoose

Next Post
Howl-gal lagu dilay Hor-joogayaal Al-Shabaab ahaa oo ka dhacay Gobolka Sh/dhexe

Maleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu laayay Shabeellaha Hoose

Ciidamada Qaranka Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Xubno Khawaarijta Ka Tirsan

Ciidamada Qaranka Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Xubno Khawaarijta Ka Tirsan

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO(AFGOOTE):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose ku qabtay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta,...

Soomaaliya Oo Maanta Laga Xusayo Maalinta Calanka Ee 12-ka October

Soomaaliya Oo Maanta Laga Xusayo Maalinta Calanka Ee 12-ka October

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay sannad guuraddii 71-aad ee ka soo wareegtay maalintii ugu horaysay...

Guddoomiye Muungaab Oo Xarigjaray Dayactirka Dugsiga WaxarCadde

Guddoomiye Muungaab Oo Xarigjaray Dayactirka Dugsiga WaxarCadde

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga...

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (ICA Somalia) ayaa sheegtay inay horumar weyn ka samaysay geedi socodka soo saarista baasaboorka Soomaaliga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In