Sunday, April 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo guulo kasoo hoysay Shir-weynaha Isgaarsiinta Adduunka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo guulo kasoo hoysay Shir-weynaha Isgaarsiinta Adduunka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Eng; Cabdi Canshuur Xasan ayaa sheegay in Soomaaliya ay guulo la taaban karo ka soo hoysay Shirweynaha Isgaarsiinta Adduunka ee ka socday caasimadda Dalka Hungary ee Budapest.

Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa intii uu shirka socday waxay shirar-doceedyo kala duwan la yeesheen Dalal iyo hay’ado caalami ah oo ay kala hadleen sidii loo sii horumarin lahaa isgaarsiinta iyo teknolojiyadda Dalkeenna.

Related posts

Midowga Africa oo si adag  uga horyimi Safiirka Israa’iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland

Midowga Africa oo si adag uga horyimi Safiirka Israa’iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland

April 19, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga oo xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda midkii hore

Wasiirka Gaashaandhigga oo xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda midkii hore

April 19, 2026

Mudane; Canshuur, ayaa ka warbixiyay kulankii ugu horreeyay ee isaga iyo Maareeyaha guud ee hay’adda Isgaarsiinta, Md; Cabdi Sheekh, la yeesheen Xoghayaha Guud ee midowga Isgaarsiinta Caalamiga (ITU), Houlin Zhao iyo ku-xigeenkiisa arrimaha horumarinta, Ms; Doreen Bogdan-Martin.

Kulankaas oo ay kaga wada hadleen sidii loo qiimeyn lahaa waxyaabihii ka qabsoomay qaraarka 160 ee u gaarka ah taageerada Soomaaliya ee dhammaadkii Sanadkii hore lagu ansixiyay Shirweynaha ITU.

Wasiirka ayaa ka mahadceliyay kaalintii ITU ay ka geysatay diyaarinta Siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Qaranka, tababarkii ugu horreeyay ee ay ITU ku qabatay Soomaaliya 30 Sano kadib, iyo qorshayaasha kale ee haatan ay ka wada shaqeynayaan Wasaaradda iyo ITU.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale la kulmay wasiir ku-xigeenka ganacsiga iyo teknolojiyada Dalka Shiinaha, Mr. Zhaoxiong Chen, iyo wafdi uu hoggaaminayay, iyagoo kala hadlay sidii Dalka Shiinuhu Gacan uga geysan lahaa dhismaha kaabayaasha isgaarsiinta iyo teknolojiyadda Dalkeenna.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in ay iska kaashadaan horumarinta teknolojiyada, sida kaabayaasha isgaarsiinta ee ay Dowladuhu maalgeliyaan, aqoonta teknolojiyadda ee Dhallinyaradeena iyada oo loo sii marayo Machadka Isgaarsiinta Qaranka.

Waxa kale oo ay ka wada hadleen sidii shirkadaha isgaarsiinta iyo teknolojiyada Labada Dal ay u yeelan lahaayeen xiriir wada-shaqeyn oo ballaaran.

ITU ayaa si weyn u ammaantay guulaha ay Soomaaliya Labadii Sano ee la soo dhaafay ka gaartay dhinaca isgaarsiinta iyo teknolojiyada, gaar ahaan kaalinta Dowladda ee dhinacyada sharciyada iyo siyaasadaha furfurnaanta, iyagoo xusay in wixii ka dambeeyay 2017 ay Soomaaliya noqotay Dalka 2-aad ee ku yaalla Geeska Afrika ee leh sharci isgaarsiineed, hay’ad isgaarsiineed iyo siyaasad Qaran oo dhinaca teknolojiyadda ah, iyadoo sidoo kale la kordhiyay wada-shaqeyntii kala dhexeysay Dalka dhinaca ITU ka dib markii la soo celiyay xubinnimada muddo 30 Sano kadib.

ITU waxay si gaar ah u xustay in mudane, Canshuur uu noqonayo Wasiirkii ugu horreeyay ee muddo 3 Sano ah oo isku xigta ka soo qeyb gala shirweynahan tan iyo markii Soomaaliya ay ka baxday saaxadda ITU 1991-kii, taas oo sahashay in la sii joogteeyo guulaha ay Wasaaraddu ka gaareyso arrimaha isgaarsiinta iyo teknolojiyada.

Previous Post

Somali youth urged to take part in electoral process

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Reer Koonfur Galbeed Ku Ammaanay Isku Midnimada iyo Dowlad Jaceylka “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Reer Koonfur Galbeed Ku Ammaanay Isku Midnimada iyo Dowlad Jaceylka “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Reer Koonfur Galbeed Ku Ammaanay Isku Midnimada iyo Dowlad Jaceylka "SAWIRRO"

Midowga Africa oo si adag  uga horyimi Safiirka Israa’iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland

Midowga Africa oo si adag uga horyimi Safiirka Israa’iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland

April 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Midowga Afrika ayaa si adag uga horyimid safiirka ay Israa'iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland,tallaabadaas oo dhalisay hadal-hayn siyaasadeed...

Wasiirka Gaashaandhigga oo xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda midkii hore

Wasiirka Gaashaandhigga oo xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda midkii hore

April 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda, Mudane Yuusuf Cali...

Hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka KGS oo qayb galay munaasabadda dhaarinta Wasiirka Cusub ee Beeraha

Hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka KGS oo qayb galay munaasabadda dhaarinta Wasiirka Cusub ee Beeraha

April 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa ka qeyb galay munaasabad...

Bayaanka Wadajirka ah ee ku saabsan ku dhawaaqista Israa’iil ee magacaabista wakiil diblomaasiyadeed ee waxa loogu yeero “Somaliland”

Bayaanka Wadajirka ah ee ku saabsan ku dhawaaqista Israa’iil ee magacaabista wakiil diblomaasiyadeed ee waxa loogu yeero “Somaliland”

April 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Dowladda Qatar, Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, Jamhuuriyadda Suudaan, Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In