Wararka aan helayno ayaa sheegaya in qarax miino uu ka dhacay deegaanka Gololleey ee u dhaxeeya magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Taliyaha Ciidamada Booliiska Hirshabeelle Xasan Dhicisow Xasan ayaa SONNA u xaqiijiyay in qaraxaasi ay ku geeriyoodeen afar ruux oo ay ka mid yihiin madixii maaliyadda Gobolka Shabeellaha Dhexe Cabdullaahi Shitaawe, Wasiirkii hore ee Ganacsiga Hirshabeelle Sabriye Cusmaan iyo Xasan Baldoos oo la shaqeynayay mid ka mid ah hey’adaha samafalka ee ka howlgala Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Ciidamada Qaranka ayaa muddooyinkaan danbe waxay howgallo dardar leh oo lagu ciribtirayo nabad-diidka ka wadeen waddada isku xirta Degmooyinka Balcad iyo Jowhar, kaasi oo ujeedkiisu ahaa sidii deegaannadaasi looga sifeyn lahaa maleeshiyaadka Al-Shabaab.