Tuesday, March 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo Muqdisho ka furay tababar ku saabsan bad-qabka Saxafiga+sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo Muqdisho ka furay tababar ku saabsan bad-qabka Saxafiga+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

March 24, 2026
Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

March 24, 2026

Tababarkan waxaa Diiradda lagu saarayay sidii looga hortagi lahaa Qataraha iyo dhibaatooyinka ay wajahaan Saxafiyiinta Soomaaliyeed ,Iyo Doorka ay qadanayaan Guddiga ka shaqeeyo Arrimaha Badqabka Saxafiyiinta,Taaso ah mid ahmiyad weyn u leh Bahda Suxufiyiinta Ee Ka Howgalo Dalka,Waxana Soo agaasintay Wasaaradda Warfaafinta XFS oo kaashaneyso Hay”adda UNESCO.
Suxufiyiinta iyo mas’uuliyiinta Wasaaradaha Warfaafinta ee Dowlad Goboledyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo bulshada Rayidka ee ka qeybaglayaay Tababarka ayaa si isku mid ah u sheegay in muhiim tahay sidii loo ilaalin lahaa badqabka suxufiga,Si Looga Hortago Tacdiyada loo geysto suxufiyiinta Soomaaliyeed.
Agaasimaha Guud Wasaaradda Warfaafinta Dowlad Gobaleedka Jubbaland Cabdishukri Carab Cumar iyo mas’uuliyiintii kale ee halkaasi ka hadashey ayaa sheegay in loo baahan yahay in suxufiyiinta Soomaaliyeed ay ka dheeradaan waxyaabaha keena karaa dhibaatooyinka,iyagoo dhiirogeliyay dadaalka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya oo ku aadan sidii arrimahaasii ay xil isaga saari lahayd.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta ,Dhaqanka Iyo Dalxiiska XFS Cabdiraxmaan Yuusuf Shekh (Al-Cadaala) ayaa ka warbixiyay Shaqada iyo dhismaha guddiga badbaadinta bad-qabka suxufiyiinta Soomaaliyeed.
“Dhismaha guddigan iyo shaqada ay tahay in uu qabto ma ahan wax Soomaaliya kaliya u yaala waa hab caalami ah oo ka socota dunida oo dhan,waa qaraar QM ay gaartay oo ah in dunida oo dhan looga abuuro hanaan farsamo oo la isla yaqaano oo ah halbeed lagu ilaaliyo badqabka saxafiga”. Ayuu yiri agaasime Cadaala.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Aadan Isaaq Cali oo si rasmi ah u Daah-furaay Tababarka ayaa sheegay in wasaaradda Warfaafinta ay dowr weyn ka qadanayso sidii looga shaqeyn lahaa badqabka suxufiyiinta Soomaaliyeed.
“Bad-qabka saxafiga DFS sida aad ogtihiin wasaaradda Warfaafinta waxaa waajib ka saaran in ay u dhameystirto waxkasta oo kaabaya bad-qabka saxafiga,waqtiguna waa ciriiri waxaan idin leeyahay kal faa,ideysi wanaagsan”. Ayuu yiri Wasiir kuxigeenka Warfaafinta XFS.
Sanadkii Tagay ayaa la dhisay Guddiga badbaadinta Suxufiyiinta Soomaaliyeed,kaaso ka shaqeeya arrimaha bad-qabka suxufiyiinta,waxaana Tababarkan ka qeyb-galayay Suxufiyiin ka kala socday Warbaahinta Gaarka loo leeyahay,Kuwa Dowlad Gobaleedyada Dalka,xafiiska Xeer-Ilaalinta Guud ee Qaranka,Urrurada Bulshada Rayidka, Hay”addaha Dowladda Federaalka ee ka shaqeeyo arrimaha bad-qabka .

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Daah-furay Tubta Qaran Ee Caafimaadka Dalka+sawirro

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Barnamijka Dhacdooyinka Maanta Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

March 24, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa si rasmi ah u magacawday maamulka...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

March 24, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed Xassan Cabdulle ayaa furay tababar aqoon kororsi ah oo ku saabsan...

Wasaaradda Ganacsiga XFS oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soo-saarka gudaha

Wasaaradda Ganacsiga XFS oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soo-saarka gudaha

March 24, 2026
0

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dowladda FS mudane Jamaal Maxamed Xassan ayaa sheegay in wasaaraddu gacanta ku hayso siyaasad diyaarinta...

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobalka Shabeellada Dhexe

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobalka Shabeellada Dhexe

March 23, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoos yimaada Warciise ee gobolka Shabeellaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In