Sunday, June 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Wakiilllada Saaxiibbada Caawiya Soomaaliya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
September 16, 2019
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Wakiilllada Saaxiibbada Caawiya Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo maanta kulan la qaatay wakiillada Saaxiibbada Caawiya Soomaaliya, ayaa xog ka siisay socdaalkiisii Galmudug iyo Koonfur Galbeed iyo dhanka loo jiheynayo horumarka dalka ee dowladda Soomaaliya ay dooneyso in lagala shaqeeyo.

Ra’iisul Wasaaraha oo beesha caalamka uga mahad-celiyay taageerada joogtada ah ee Shababka iyo dowladda Soomaaliyeed, ayaa wakiillada warbixin ka siiyay guulaha ay dowladdu ka gaartay dib-u-habeynta amniga, siyaasadda, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay in la joogo xilligii Soomaaliya lagu caawin lahaa fursadaha maalgashiga, horumarinta dhaqaalaha iyo hir-gelinta kaabayaal dhaqaalaha, si loo yareeyo baahiyaha bini’aadninimo ee waqtiga fog.

Waxa uu intaa ku daray Ra’iisul Wasaaruhu in ay muhiim tahay in bulshada fursad loo siiyo in ay awood u yeelato wax soo saar dhaqaale, in dhallinyaradana shaqo abuur loo sameeeyo iyo maalgelinta la gaarsiiyo deegaannada ay ku noolyihiin bulshooyinka qaba baahiyada ugu daran.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in baahiyaha caafimaad, waxbarasho iyo biyo yaraan ay ka jiraan deegaannada Huurshe iyo Xeraale ee dhawaan lagu guuleystay in la demiyo colaaddii sannadada soo jiitameysay, baahiya kale oo bulsho ay ka jiraan deegaannada uu socdaalka kusoo maray ee Koonfur Galbeed, ayna lagama maarmaan tahay in hay’adaha caalamiga ah ay si dhaqsa ah uga jawaabaan baahiyahaas bulsho.

Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu in magaalada Xudur uu kusoo arkay bulsho sannaddo badan go’doonsaneed hase yeeshee la timid isku-tiirsanaan ay ku badbaadeen, ammaankoodana ku sugteen, isaga oo intaa raaciyay in ciidanka ku sugan Xudur ay u diyaarasanyihiin in ay xoreeyaan Bakool oo dhan hadii ay helaan qalabka ay u baahanyihiin.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Dhuusamareeb

Next Post

Wafdi ay Hoggaamineyso Wasiirka Caafimaadka DFS oo Baydhabo Gaaray “SAWIRRO”

Next Post
Wafdi ay Hoggaamineyso Wasiirka Caafimaadka DFS oo Baydhabo Gaaray “SAWIRRO”

Wafdi ay Hoggaamineyso Wasiirka Caafimaadka DFS oo Baydhabo Gaaray "SAWIRRO"

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Yemen mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed),ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In