Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya mudane; Cabdi Xaashi C/llaahi, ayaa Maanta ku baaqay in la qoro, lana keydiyo Riwaayadaha ay sameeyaan Abwaaniinta Soomaaliyeed, si ay Bulshadu u barato Taariikhda Fanka Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha oo ka qeyb galay xuska Sanad guurada 21-aad ee Golaha Abwaannada Soomaliyeed oo 19 September, oo qabtay ย xarunta Academyada cililmiga Fanka iyo Suugaanta, ayaa ku dheeraaday baahida loo qabo keyd Fan iyo Suugaan ah oo buuxa.
Mudane;Cabdi Xaashi, ayaa sheegay in Taariikhda Fanka ee Caalamku ay leedahay keyd isugu jira mid duuban iyo mid qoran, halka Soomaaliyana anay jirin cid isku howsha, isagoo ku baaqay in dhammaan Suugaanta Soomaaliyeed loo sameeyo diiwaanno, si loo tixraaco uguna faaโiideystaan Ardayda wax ka barata Dugsiyada iyo Jaamacadaha Dalka.
Waasirka warfaafinta ย dhaqanka iyo dalxiiska Soomaliya mudane; Mohamed Cabdi Xayir (Maareeye), oo kulankaasi ka qeyb galay ayaa isna sheegay in Abwaanka Soomaliyeed uu yahay mid aan sinnaba looga maarmin marka la eego xagga wacyi gelinta Bulshashada, isagoo xusay in ay door weyn ay ka ciyaareen baraarujinta Dad weynaha.
Wasiir, Maareeye ayaa sheegay in ay wasaaraddiisu si buuxda ula shaqayn doonto golaha Abwaaniinta Soomaaliyeed.
ย ย ย