Sunday, June 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda Qatar Charity oo qayb cusub ku kordhisay Isbitalka Dayniile+sawirro

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Hay’adda Qatar Charity oo qayb cusub ku kordhisay Isbitalka Dayniile+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad kooban oo xariga looga jaray xarunta cusub ee hooyada iyo Dhallaanka oo lagu kordhiyay isbitalka Dayniile ee Muqdisho waxaa ka qeybgalay wasiirka caafimaadka Soomaaliya Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur madaxda Hay’adda Qatar Charity xafiiskeeda Soomaaliya oo kaalin ka qaadatay hirgelinta iyo qalabaynta xaruntaasi,

Guddoomiyaha demada Dayniile Maxamed Abuukar Jacfar ayaa ku ammaanay Hay’adda Qatar Charity sida ay u garab taagan tahay bulshada Soomaaliyeed goor kasta.

Related posts

Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka Carabta

Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka Carabta

June 28, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray magaalada Baydhaba

Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray magaalada Baydhaba

June 28, 2026

mas’uuliyiintaan ayaa si wada jir ah u kormeeray qaybaha xaruntaasi ay ka kooban tahay,iyagoo u kuurgalay habka loo qalabeeyay iyo dhismaheeda iyo in ay dabooli karto baahiyaha bukaanada,wasiirka caafimaadka ayaa maamulka isbitalkaasi ka dhagaystay warbixin ku saabsan qaabka loo qalabeeyay xaruntaan iyo sida ay bukaanada baahiyohooda u dabooli karto.

Cabdi Nuur Xaaji Cali Madaxa Hay’adda Qatar Charity xafiiskeeda Soomaaliya ayaa faah faahiyay dowrkooda ku aadan howlaha xaruntaasi cusub lagu hirgaliyay iyo waxyaabaha ay ka kooban tahay.

“Maanta waxaa farxadweyn inoo ah in aan furno xarunta Hooyada iyo Dhalaanka ee Isbitalka Dayniile,xaruntan waxaa ay ka kooban tahay 11 qol oo dhamaan loogu talagalay hooyada iyo dhallaanka iyo farmashiiye leh,qaybtii Shaybaarka ,xaruntaan waxaa dhistay oo maalgalisay Qatar Charity,waxaana howsha socodsiinaysa Hay’adda back.”. ayuu yiri Cabdi Nuur Xaaji Cali

Wasiirka Caafimaadka XFS Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa bogaadiysay howlaha lagu garab istaagayo dadka danyarta ah,iyadoo ka wasaarada ahaan sheegtay in dowrkooda ay ka qaadanayaan sidii loo daabooli lahaa baahiyaha caafimaad ee bulshada.

“Hay’adda Qatar charity wax badan ayay dalka ka qabatay,ma ahan oo kaliya xaruntaan,waan u mahadcelinaynaa,xaruntan hooyada iyo dhalaanka waa waxyaabaha wadanka uu u baahanyahay,meelaha dalka uu ka nugulyahay waa Hooyada iyo Dhallaanka,anaga waxaan ku dadaalaynaa wax allaale wixii karaankeeni ah in aan raadino”.ayay tiri wasiirka Caafimaadka XFS Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Shirka xeer ilaalinta dalka oo ka furmaya Baydhabo

Next Post
Shirka xeer ilaalinta dalka oo ka furmaya Baydhabo

Shirka xeer ilaalinta dalka oo ka furmaya Baydhabo

Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka Carabta

Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka Carabta

June 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed, ayaa maanta kulan la qaatay Xoghayaha...

Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray magaalada Baydhaba

Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray magaalada Baydhaba

June 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo,...

Taliye Mahad Salaad oo Cabudwaaq ka dhagax-dhigay xero ciidan oo ay leedahay Hay’adda NISA

Taliye Mahad Salaad oo Cabudwaaq ka dhagax-dhigay xero ciidan oo ay leedahay Hay’adda NISA

June 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa magaalada Cabudwaaq ka dhagax-dhigay xero...

Maxay Soomaaliya ka baran kartaa waayo-aragnimada Shiinaha?

Maxay Soomaaliya ka baran kartaa waayo-aragnimada Shiinaha?

June 28, 2026
0

Guusha dowlad kasta waxaa ugu dambeyn lagu cabbiraa saameynta ay ku yeelato nolosha shacabka. Waxbarasho tayo leh, adeeg caafimaad, shaqo-abuur,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In