Monday, May 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka oo Baydhabo ka furay shirweynaha Xeer-ilaalinta Qaranka+sawirro

admin by admin
September 21, 2019
in Wararka
0
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka oo Baydhabo ka furay shirweynaha Xeer-ilaalinta Qaranka+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkaan Xeer ilaaliyeyaasha Qaranka oo ah kii labaad oo ka dhacay magaalada Baydhabo, ayaa ujeedada ugu weyn tahay sidii loo adkeyn lahaa madax bannaanida Garsoorka dalka labadiisa heer Federaal iyo heer dowlad gobolleed.

Guddoomiyaha maxkamadda sare, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka xeer ilaaliyeyaasha dowlad gobolleedyada iyo xubno ka tirsan bahda Garsoorka ayaa madasha magaalada Baydhabo isugu yimid, waxa uu shirka socon doonnaa seddex maalin oo xiriir ah.

Related posts

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

May 12, 2025
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

May 12, 2025

Xeer ilaaliyeyaasha dowlad gobolleedyada ayaa soo dhoweeyey adkeynta madax banaanida Garsoorka, ballanna qaaday in ay si hufan ugu shaqeyn doonaan.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dowlad gobolleedka Koofur Galbeed Axmed Cali Muuse ayaa hoosta ka xariiqay in isku xirnaanta Garsoorka Federaalka iyo midka dowlad gobolleedyada, lana dhowro madax bannaanidiisa.

“Garsoorka oo ka mid ah hey’adaha ugu sarreysa dalka, kana madax bannaan hey’adda fulinta ayaa mudnaan weyn u leh shacabka Soomaaliyeed marka loo fiiriyo xaaladda uu dalka marayo” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir.

Baashe Yuusuf Axmed guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka oo si ramsi ah u furay shirka ayaa carrabka ku adkeeyey in isbaddel weyn uu ka jiro Garsoorka dalka, hey’adhaa ku shaqada lehna ay waajib ku tahay in ay dhaqangelinayaan madax baanaaniddiisa, waxa uu tilmaamay in shacabka oo baahi weyn u qabo Garsoorka lagu kalsoonaan karo, shirkaan uu geeddi-socodkaas qeyb ka tahay.

Shirka Qaran ee Xeer ilaaliyeyaasha Dalka ayaa ku soo beegmaya iyada oo uu maanta madaxweynaha Dalka saxiixay Sharciga dhismaha guddiga madaxa bannaan ee la dagaallanka Musuq-maasuqa labada heer, sidoo kale golaha wasiirrada Soomaaliya ay khamiistii ansixiyeen dib ugu noqoshada miisaaniyadda dowladda ee 2019-ka, waxaa muuqda tallaabooyin is qaadanaya oo musuqa lagula dagaalamayo laguna dhaqangelinayo sarreynta sharciga

Previous Post

Dowladda Soomaaliya oo soo dhawaysay Kacdoonka shacka Bakool ee ka dhanka ah Argagixiada

Next Post

Wasiir Bayle oo ka hadlay Guulaha dowladu ay ka gaartay dayn cafinta “Dhageyso”

Next Post
Wasiir Bayle  “Soomaaliya waxay rajaynaysaa in 2020ka laga Cafiyo daymaha”

Wasiir Bayle oo ka hadlay Guulaha dowladu ay ka gaartay dayn cafinta "Dhageyso"

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

May 12, 2025
0

Ciidanka Deegaanka ee ka howlgala aagga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa fuliyay howlgal ay ku dileen ugu yaraan saddex...

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

May 12, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya mudane Cali Maxamed Cumar (Balcad),ayaa maanta Xildhibaannada Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda...

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo uu shir uga furmay Magaalada Nairobi

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo uu shir uga furmay Magaalada Nairobi

May 12, 2025
0

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka furmay shir muhiim ah oo u dhexeeya Hay’adaha Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo...

Ciidanka xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Deynuunay gobolka Baay

Ciidanka xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Deynuunay gobolka Baay

May 12, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 8-aad ee qeybta 60-aad oo garab ka helaya Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In