Wednesday, August 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Beesha Caalamka oo soo dhaweysay wadahadaladii guusha ku dhamaaday ee deyn cafinta Somaliya

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Beesha Caalamka oo soo dhaweysay wadahadaladii guusha ku dhamaaday ee deyn cafinta Somaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qaar ka mid ah saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa soo dhoweeyay wada-hadalada guusha kusoo idlaaday ee ku saabsanaa deyn cafinta iyo maamulka Maaliyadda ee dhexmaray Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, wadahadalladaas oo ka dhacay magaalada Addis Ababa 14-kii Sebtember.

Wadamada iyo ururada soo dhoweeyay arrintan ayaa waxaa ka mid ah
Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Jarmalka, Urur-Goboleedka IGAD (IGAD), Talyaaniga, Norway, Sweden, Turkiga, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) iyo Dowladda Mareykanka.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

August 26, 2026
Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo qaabilay Dr. Axmed Fiqi Elmi

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo qaabilay Dr. Axmed Fiqi Elmi

August 26, 2026

Saaxiibada caalamka ayaa intaas sii raaciyay: “Waxaan soo dhoweyneynaa iskaashiga dib usoo cusboonaaday ee deyn cafinta/khafiifinta iyo sidoo kale in la horumariyo dib-u-habaynta maamulka maaliyadda dowladda ee dalka oo dhan.

Waxaan bogaadineynaa siyaasadaha isdaba joogga ah ee socda iyo dadaallada dib u habeynta ee Soomaaliya oo dhan looga hirgelinayo hab maaliyadeed dhaxal-ga ah, taas oo gogol xaar u noqonaysa kobac iyo horumar loo wada dhanyahay, albaabadana u fureysa ilo dhaqaale oo wax looga qabto sababaha keena saboolnimada iyo u nuglaanta.

In geedi-socodka deyn cafinta uu kusoo idlaado guul ayaa waxaa ka faa’iideysan doona dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay uga suganyihiin dalka, iyagoo fursado u helaya ka faa’iideysiga ilo dhaqaale oo ballaaran oo laga helayo Hay’adaha Maaliyadeed ee Caalamiga ah (IFIs) waxayna culayska ka qaadaysaa maaliyadaha/ganacsiyada gaarka loo leeyahay. Si howshaas looga mira dhaliyo, waxaa muhiim ah in la helo wadashaqayn joogto ah iyo iskaashi dhab ah oo u dhexeeya Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada, wadashaqayntaas oo ku saabsan arrimaha maaliyadda iyo maamulka dowladnimo.

Waxaan soo dhoweynaynaa in saaxiibada caalamku ay dadaalllo dheeri ah ku bixiyaan sidii loo qaadi lahaa tallaabooyinka loo baahanyahay si loo gaaro deyn cafin, marka Soomaaliya ay soo gaarto Marxaladda Go’aan-gaarista [ee lagu caawinayo], oo ay ku jirto diyaarinta sidii loosoo fasixi lahaa dhaqaalaha Hay’adaha Maaliyadeed ee Caalamiga ah loona asteyn lahaa deeq maaliyadeed oo waafi ah.

Waxaan ku dhiiri-galinaynaa Dowlada Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada, Maamulka Gobolka Banaadir, Laamaha Fulinta iyo Sharci-dejinta inay joogteeyaan dadaalkan dib-u-habaynta ah ee wanaagsan ayna sii wadaan wadahadalka wax-ku-oolka ah ee wax lagu dhisayo si loo xaqiijiyo in horumar waqtiyaysan laga gaaro arrimaha mudnaanta sare u leh qaranka.

Previous Post

Howlwadeeno ka tirsan xafiska Ra’iisul Wasaaraha iyo wasaarada Arrimaha gudaha oo ka qaybgalay Heshiis lagu xaqiijinayo Amniga deeganadda Xaraale iyo Huursh.

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Next Post
Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

August 26, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo xiray tababar...

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo qaabilay Dr. Axmed Fiqi Elmi

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo qaabilay Dr. Axmed Fiqi Elmi

August 26, 2026
0

Maareeyaha Dekedda Muqdisho, Amb. Maxamed Cali Nuur Ameeriko, ayaa maanta ku qaabilay xarunta Dekedda Muqdisho Dr. Axmed Fiqi Elmi, kulankaan...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐟𝐚𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐮𝐠𝐮 𝐚𝐦𝐛𝐚𝐛𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐟𝐚𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐮𝐠𝐮 𝐚𝐦𝐛𝐚𝐛𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

August 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqasho rasmi ah ugu ambabaxay dalka Qatar, kadib casuumaad...

Qunsulka Safaaradda Soomaliya ee Talyaaniga oo ka warbixiyay Khasaaraha dooni ku qalibantay xeebaha Talyaaniga

Qunsulka Safaaradda Soomaliya ee Talyaaniga oo ka warbixiyay Khasaaraha dooni ku qalibantay xeebaha Talyaaniga

August 26, 2026
0

Doontaan oo ay saarnaayeen 55 Muhaajiriin ah oo u badnaa Soomaali oo ay ku jireen Mudaaniin u dhashay dalka Masar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In