Tuesday, August 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo ka qeybgaleysa shirweyne looga hadlayo Horumarinta Adeegga Boostada Adduunka.

admin by admin
September 24, 2019
in Wararka
0
Soomaaliya oo ka qeybgaleysa shirweyne looga hadlayo Horumarinta Adeegga Boostada Adduunka.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha aan caadiga ahayn ee Midowga Boostada Adduunka (UPU), kaas oo looga hadlayo qodobo la xiriira Horumarinta boostada adduunka sida qaabka ay lacagaha u kala qaataan boostada Adduunka, gaar ahaan alaabaha waaweyn ee ganacsiga ah.

Wasiirka oo ka hadlayay ahmiyadda kulankan u leeyahay dalkeena ayaa sheegay in shirweynahani yahay kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee Soomaaliya ka soo qeyb gasho tan iyo markii si buuxda ay ula soo noqotay xubinnimadeeda bishii Abriil ee sanadkan, taas oo maqneyd tan iyo burburkii dalka ka dhacay. Waxayna ku soo aadeysaa xilli uu gebogebo marayo qorshaha lagu billaabayo dirista boostada oo la filayo dhammaadka sanadkan.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS iyo saraakiil kale oo kormeeray deegaanka Number 50

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS iyo saraakiil kale oo kormeeray deegaanka Number 50

August 26, 2025
Guddoomiyaha SoDMA oo mashruuc muhiim ah ka daah-furay Balcad

Guddoomiyaha SoDMA oo mashruuc muhiim ah ka daah-furay Balcad

August 26, 2025

Wasiirka oo sidoo kale ka hadlayay ujeeddada safarkiisa ayaa sheegay in ka sokow shirweynaha ay shirar doceedyo la yeelan doonaan UPU iyo dalal saaxiib la ah dalkeena, oo lagala hadlayo qorshaha dhismaha Boostada Soomaaliya oo la gaarsiin doono dhammaan dawlad-goboleedyada dalka si dadka Soomaaliyeed oo dhan ay uga faa’iideystaan.

Wasiirka oo ay wehliyeen Safiirka Soomaaliya ee Geneva, Danjire Ebyan Maxamed Saalax iyo khubaro ka socota Wasaaradda, ayaa kulamo la yeeshay Agaasimaha Guud ee UPU iyo Ku-xigeenkiisa, iyagoo kala hadlay sidii loo dhammeystiri heshiisyadii ay wada gaareen Wasaaradda iyo UPU bishii Abriil ee sanadkan.

“In dib loo dhiso adeeggii boostada wuxuu lama-huraan u yahay dhaqaalaha dalka maadaama boostadu qaban karo adeegyo muhiim u ah dhaqaalaha sida fududeynta ganacsiga internetka (ecommerce), fududeynta arrimaha maaliyadda iyo bixinta adeegyada dawladda ee ay muwaadiniintu ka faa’iideystaan (eGovernment),” ayuu yiri wasiirka oo ka hadlayay sida dhaqaalaha dalkeenu uga faa’iidi doono dib-u-dhiska adeegga boostada.

Soomaaliya ayaa sanadkan ka baxday dalalka ay cuna-qabateyntu ka saaran tahay dhinaca dirista boostada iyo xuquuqda codeynta, kuwaas oo gaaraya 24 dal oo u badan Afrika.

Kulankaan ayaa ku soo beegmaya iyadoo Boostada Adduunka ay isbeddelo waaweyn la kulantay 10kii sano ee ugu dambeysay ee adduunka ay ku soo kordheen ganacsiga internet (ecommerce), kaas oo yareeyay dirista warqadihii caadiga ahaa.

Previous Post

Wasiir Ku-xiggeenka Batroolka XFS oo furay Shir diiradda lagu saarayo ka faa’iidaysiga Kheyraadka dalka “Sawirro”

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo lakulmay dhigiisa Erdogan “Sawirro”

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo lakulmay dhigiisa Erdogan “Sawirro”

Madaxweyne Farmaajo oo lakulmay dhigiisa Erdogan "Sawirro"

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS iyo saraakiil kale oo kormeeray deegaanka Number 50

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS iyo saraakiil kale oo kormeeray deegaanka Number 50

August 26, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar iyo Ganeraal Sebahattin Kalkan, Taliyaha Ciidanka Turk-Som, ayaa gaarey deegaanno...

Guddoomiyaha SoDMA oo mashruuc muhiim ah ka daah-furay Balcad

Guddoomiyaha SoDMA oo mashruuc muhiim ah ka daah-furay Balcad

August 26, 2025
0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdille, ayaa maanta safar dhulka ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Hoggaanka Gobolka Ningxia ee dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Hoggaanka Gobolka Ningxia ee dalka Shiinaha

August 26, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kulan la yeeshay Hoggaamiyaha Gobolka Ningxia, ahna Xoghayaha...

Waddooyinka Muqdisho oo si casri ah loo dhisayo

Waddooyinka Muqdisho oo si casri ah loo dhisayo

August 26, 2025
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan, ayaa maanta kormeeray waddada Buundooyinka oo isku xirta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In