Saturday, February 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda FS oo lagu ammaanay sida ay uga go’antahay ka gun-gaaridda qorshaha deyn cafinta

caqiil by caqiil
6 years ago
in Wararka
0
Dowladda FS oo lagu ammaanay sida ay uga go’antahay ka gun-gaaridda qorshaha deyn cafinta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shir looga hadlay qorshaha deyn cafinta dalka oo ay kasoo qayb galeen wakiillo ka socda wadamada deymaha ku leh Soomaaliya, Bangiga adduunka iyo hey’adda lacagta adduunka.

Kulanka ayaa la isaga xog wareystay heerka kala duwan ee uu soo maray qorshaha deynta looga cafinayo dalka oo meel wanaagsan maraya, iyo u diyaar garowga shirka sannadlaha ah ee dhacaya bishaan October.

Related posts

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay xoojinta xiriirka labada Dowladood

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay xoojinta xiriirka labada Dowladood

February 28, 2026
Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

February 28, 2026

Ka qayb galayaasha shirka oo kamid ah ergada shirka madasha iskaashiga Soomaaliya, ayaa ammaanay sida dowladda Soomaaliya ay uga go’antahay ka guul gaaridda qorsha deyn cafinta dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in uu cadyahay ajandaha muhiimka ah ee deyn cafinta dalka, uuna udud dhexaad u yahay dhammaan qorshaha dib-u-habeynta socota, dadka Soomaaliyeedna ay ku mideysanyihiin, aadna ugu reja weynyihiin in dalka deynta laga cafiyo maadaama ay aaminsanyihiin in dayn cafintu ay mawaadin kasta oo Soomaaliyeed dan u tahay, qaybna ay ka qaadaneyso horumarka iyo mustaqbalka dalka.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale u sheegay ka qayb galayaasha in Ganacsatada Soomaaliyeed ay bixiyeen canshuurtii ugu badneyd, dakhliga dalkuna uu kordhay arrintaas oo qeyb ka qaadatay horumarka la sameeyay.

Dayn cafintu waxa ay dalka u oggoolaaneysaa maal-gelin hourmarineed ee waqtiga fog, waxa ayna sidoo kale sare u qaadeysaa dakhliga gudaha iyo maal gelinta caafimaadka waxbarashada iyo biyaha dalka, waxa ayna albaabada u furayaa balaayiinta doollar ee sanaadiiqda horumarinta adduunyadu ay bixiyaan.

Previous Post

Maxkamadda Ciidamada oo xukun kasoo saartay Cumar Cabduqaadir….

Next Post

Somalia Partnership Forum opens in Mogadishu

Next Post
Somalia Partnership Forum opens in Mogadishu

Somalia Partnership Forum opens in Mogadishu

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay xoojinta xiriirka labada Dowladood

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay xoojinta xiriirka labada Dowladood

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Cumar, ayaa kulan la qaatay Wasiirka ku xigeenka Arrimaha Dibadda...

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

February 28, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 g𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐬𝐢 𝐮𝐮 u x𝐨𝐨𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 g𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐬𝐢 𝐮𝐮 u x𝐨𝐨𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

February 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug, si uu...

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

February 27, 2026
0

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa Magaalada Jiddah uga kulan looga hadlaayay qodobbo dhowr ah oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In