Tuesday, July 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kormeeray Isbitaalka Hooyada Iyo Dhallaanka Banaadir

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kormeeray Isbitaalka Hooyada Iyo Dhallaanka Banaadir
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa kormeeray Isbitaalka hooyada iyo dhallaanka Banaadir oo dowladdu ay dib ula wareegtay horraantii sannadkaan si uu qayb uga noqdo qorshaha horumarinta adeegyada caafimaad ee dalka.

Maamulka Istibaalka Banaadir oo Ra’iisul Wasaaraha uga war bixiyay xaaladda isbitaalka ayaa sheegay in isbitaalka adeeg caafimaad oo tayo leh lacag la’aanna ah loogu sameeyay 37,000 oo hooyooyin iyo carruur Soomaaliyeed ah oo 24,000 ka mid ah ay yihiin carruur, intii u dhexeysay bilihii Feberaayo iyo September ee sannadkaan.

Related posts

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jaamacadda Carabta 

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jaamacadda Carabta 

July 14, 2026
NISA oo Dowlad Deegaanka Soomaalida u gacan gelisay laba eedeysane oo loo haysto dilal

NISA oo Dowlad Deegaanka Soomaalida u gacan gelisay laba eedeysane oo loo haysto dilal

July 14, 2026

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo bogaadiyay sida hufan ee maamulka isbitaalka iyo wasaaradda caafimaadku ay isaga xil saareen howl gelinta iyo horumarinta Isbitaalka, ayaa sheegay in loo baahanyahay in howsha la ballaariyo si dhammaan bulshada Soomaaliyeed ay u helaan adeegga caafimaad ee ay u baahanyihiin.

Dowladda oo dadaal xooggan ugu jirta horumarinta caafimaadka bulshada, ayaa bishii labaad ee sannadkaan dib ula wareegtay Isbitaallada Banaadir iyo Martiini, waxaana dhawaan Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu dhagax dhigay Xarunta Bangiga dhiigga oo qayb ka ah qorshaha horumarinta adeegyada caafimaad ee dalka.

Previous Post

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta XFS oo guddoomisay shirka billaha ah ee Wasaaradda+Sawirro.

Next Post

Ciidanka Booliska Dhuusamareeb oo Gacanta ku dhigay Waxyaabaha Maanka Dooriya iyo Dadkii ka Ganacsanayey “Sawirro”

Next Post
Ciidanka Booliska Dhuusamareeb oo Gacanta ku dhigay Waxyaabaha Maanka Dooriya iyo Dadkii ka Ganacsanayey “Sawirro”

Ciidanka Booliska Dhuusamareeb oo Gacanta ku dhigay Waxyaabaha Maanka Dooriya iyo Dadkii ka Ganacsanayey “Sawirro”

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jaamacadda Carabta 

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jaamacadda Carabta 

July 14, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya | 14 Luulyo 2026: La-Taliyaha Amniga Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf, ayaa maanta Xafiiska...

NISA oo Dowlad Deegaanka Soomaalida u gacan gelisay laba eedeysane oo loo haysto dilal

NISA oo Dowlad Deegaanka Soomaalida u gacan gelisay laba eedeysane oo loo haysto dilal

July 14, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa saraakiil ka socotay Dowlad Deegaanka Soomaalida ku wareejiyay laba nin oo ku...

42 ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay duqeymo ka dhacay deegaanka Goobo ee gobolka Hiiraan

42 ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay duqeymo ka dhacay deegaanka Goobo ee gobolka Hiiraan

July 14, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay fiidkii duqeymo ka fuliyay deegaanka Goobo, oo qiyaastii 10...

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

July 14, 2026
0

Taliyaha Ciidanka XDS, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska Leyli Saraakiisha iyo Leyli saraakiil Xigeennada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In