Friday, October 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha Agoonsiga ka Guddoomay Danjireyaasha Dalalka Swedan iyo Talyaaniga

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha Agoonsiga ka Guddoomay Danjireyaasha Dalalka Swedan iyo Talyaaniga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,  ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee Dalalka Talyaaniga iyo Swedan ee Soomaaliya.

Danjiraha Boqortooyada Sweden Mudane; Staffan Tillander oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Boqorka Sweden Mudane, Carl XVI Gustaf ayaa tilmaamay in dedaalka uu ku bixin doono sare u qaadidda xiriirka Labada Dal, isaga oo Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay.

Related posts

TURKSOM kaalin intee ah ayeey ku leeyihiin dhismaha ciidanka dalka?

TURKSOM kaalin intee ah ayeey ku leeyihiin dhismaha ciidanka dalka?

October 10, 2025
Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza

Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza

October 10, 2025

Sidoo kale, Danjiraha cusub ee Dalka Talyaaniga Mudane; Alberto Vecchi oo warqadahiisa aqoonsi u gudbiyey Madaxweynaha ayaa muujiyey sida uu ugu hanweyn yahay in uu ka mid noqdo bahda diblumaasiyiinta ka hawlgala Dalkeenna Soomaaliya.

Vecchi, ayaa Madaxweynaha u gudbiyey dhambaal iyo salaan uu uga siday dhiggiisa Dalka Talyaaniga Mudane ; Sergio Mattarella, waxa uuna tilmaamay in Dalkiisu ay saaxiib dhow la yihiin shacabka Soomaaliyeed, xiriir soo jireen ahna uu ka dhexeeye Labada Dal.

Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Danjireyaasha uu warqadaha aqoonsiga ka guddoomay uga warbixiyey sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka ku dhisan iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga ee kala dhexeeya Dalalka Caalamka.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa Danjireyaasha cusub ugu hambalyeeyay xilalka loo Magacaabay, wuxuuna u sheegay in ay soo dhaweyn wanaagsan kala kulmayaan Shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalkuna ay ku Garab istaagayso gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

          

Previous Post

Taliska ciidanka xoogga dalka oo u yeeraya Ardadydii soo codsatay kamid noqoshada xoogga dalka

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo La Kulmay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya “Sawirro”

Next Post
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo La Kulmay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya “Sawirro”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo La Kulmay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya "Sawirro"

TURKSOM kaalin intee ah ayeey ku leeyihiin dhismaha ciidanka dalka?

TURKSOM kaalin intee ah ayeey ku leeyihiin dhismaha ciidanka dalka?

October 10, 2025
0

Ciidamada Qalabka Sida ee Turkiga (TSK) ayaa laga soo bilaabo sanadkii 2017-kii illaa hadda sii wada Tababarada iyo dhoolatusyada ciidan...

Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza

Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza

October 10, 2025
0

Xukuumadda Israa’iil ayaa ansixisay qorshaha wajiga koowaad ee xabad joojinta Gaza,kaas oo dhigaya in qeybo kamid ah gaza ay Israel...

Adeeg loogu talagalay maareynta gal-dacwadeedyada oo Muqdisho laga hirgaliyay

Adeeg loogu talagalay maareynta gal-dacwadeedyada oo Muqdisho laga hirgaliyay

October 10, 2025
0

Qaar kamid ah madaxda hay’adaha ugu sareeya Cadaaladda dalka ayaa ka qeybgalay kulan la xiriiray soo bandhigga adeeg dhanka computerka...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

October 9, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyey saddex heshiis oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In