Qeybaha kala duwan ee cunooyinka uu dalkeenu hodanka ku yahay heeso iyo ruwaayada ka tarjumaya qiimaha beeraha iyo wax soo saarka ayaa lagu soo bandhigay xafladan oo lagu xusayey laba munaasabadood oo kala ah Maalinta Beeraleyda Soomaaliyeed iyo maalinta cuntada aduunka.
Munaasabadda oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda beeraha iyo waraabka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay, Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan golaha shacabka, aqoonyahano, beeraley, ganacsato, Hey’addo caalami ah iyo marti sharaf kale.
Wasiirka beeraha iyo waraabka Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid oo munaasabadda daahfuray ayaa tilmaamay inay wadaan dadaalo iyo sharciyo lagu horumarinayo beeraha si uu dalkeenu u gaaro isku filnaansho dhanka cuntada ah oo dhameystiran.
Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Prof. Cabdullaahi sheekh Cali (Qaloocow) Ayaa ku taliyey in beeraha la tabcado Lagana faa’iideysto aqoonta aqoonyahanada iyo qubaradii hore ee dalka.
Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa beeraleyda soomaaliyeed ku dhiiri geliyey inay kordhiyaan wax soo saarkooda si looga maarmo Cuntooyinka dalka dibadiisa laga keeno.
Ugu dambeyn munaasabadda ayaa shahaadooyin lagu guddoonsiiyay shaqsiyaad ay Wasaaraddu u aragtay inay qeyb ka qaateen horumarinta beeraha iyo wax soo saarka dalka.