Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ku sugan Magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa la kulmay koox ka socotay Bangiga Aduunka, iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah
Madaxda uu la kulmay Wasiir Beyle ayaa waxaa hoggaaminayey Madaxweyne ku xigeenka Bangiga ee Qaaradda Afrika Hafze Ghanem, waxana ay ka wada hadleen arrimo badan oo ku saabsan horumarinta Maaliyadda dalka Soomaaliya.
“Waxaan la kulanay koox ka socotay Bangiga Aduunka oo uu hogaaminayay Hafze Ghanem oo ah Madaxweyne ku xigeenka Bangiga ee Qaarada Afrika” ayuu yiri Wasiir Beyle.
“Arimo badan oo aan ka wadahadalnay kadib waxaan isla garanay in aan sameynay horumar balaaran oo ah hagaajinta nidaamka Maaliyadda Dalka” ayuu hadalkiisa ku sii daray.