K/Xigeenka Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka & Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) Md,Cabdullaahi Xaaji Bashiir, ayaa maanta Muqdisho ugu soo xiray tababar u socday mudo 3-Maalmood ah Saraakiil ka kala timid laamaha ay Hey’addu ku kala leedahay Gobolada Dalka,
Ku xigeenka Agaasimaha Guud Mudane Cabdullaahi Xaaji Bashiir, ayaa uga horeyn uga mahadceliyay Hey’adda Socdaalka Aduunka (IOM) oo iyadu soo qaban qaabisay tababarkan ay Saraakiisha Hey’addu ku baranayeen casharo ku saabsan adeegsiga qalabka iyo hababka casriga ah ee loogu adeegsado Socdaalada.
K/Xigeenka Agaasimaha Guud Md Cabdullaahi Xaaji, ayaa ugu dambeyn waxa uu shahaadooyin gudoonsiiyay Saraakiisha tababarkan loo soo xirayay, wuxuuna kula dardaarmay in Aqoonta ay ka kororsadeen mudadii 3-da Maalmood aheyd ee ay ku guda jireen tababarka ay ku dabaqaan shaqooyinka ay ka hayaan Xarumaha Hey’adda ee ay ka kala yimaadeen, islamarkaana waxa uu sidoo kale uga baaqay iney uga faa’ideeyaan Saraakiisha kale ee aan Tababarkan nasiibka u yeelan ee ay uga soo tageen Xarumahooda shaqo.
Dhanka kale, Hogaanka Sare ee Hey’adda Socdaalka & Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) ayaa waqtiyadan dambe dadaal xoogan ugu jira sidii Saraakiisha Hey’adda loogu heli lahaa tababaro sare loogu qaadayo aqoonta & feejignaanta howlaha socdaalka, iyadoo uu hiigsiga Hogaanka sarena yahay sidii isku filnaanshiyo buuxda oo dhanka waajibaad kooda shaqo ah loo wada gaarsiin lahaa guud ahaan Saraakiisha Hey’adda Socdaalka & Jinsiyadda Soomaaliya.