Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasime Ku xigeenka Guud ee HSJ oo tababar usoo xiray Saraakiil ka tirsan HSJ

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
October 24, 2019
in Wararka
0
Agaasime Ku xigeenka Guud ee HSJ oo tababar usoo xiray Saraakiil ka tirsan HSJ
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
K/Xigeenka Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka & Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) Md,Cabdullaahi Xaaji Bashiir, ayaa maanta  Muqdisho ugu soo xiray tababar u socday mudo 3-Maalmood ah Saraakiil ka kala timid laamaha ay Hey’addu ku kala leedahay Gobolada Dalka,
 Ku xigeenka Agaasimaha Guud Mudane Cabdullaahi Xaaji Bashiir, ayaa uga horeyn uga mahadceliyay Hey’adda Socdaalka Aduunka (IOM) oo iyadu soo qaban qaabisay tababarkan ay Saraakiisha Hey’addu ku baranayeen casharo ku saabsan adeegsiga qalabka iyo hababka casriga ah ee loogu adeegsado Socdaalada.
 K/Xigeenka Agaasimaha Guud Md Cabdullaahi Xaaji, ayaa ugu dambeyn waxa uu shahaadooyin gudoonsiiyay Saraakiisha tababarkan loo soo xirayay, wuxuuna kula dardaarmay  in Aqoonta ay ka kororsadeen mudadii 3-da Maalmood aheyd ee ay ku guda jireen tababarka ay ku dabaqaan shaqooyinka ay ka hayaan Xarumaha Hey’adda ee ay ka kala yimaadeen, islamarkaana waxa uu sidoo kale uga baaqay iney uga faa’ideeyaan Saraakiisha kale ee aan  Tababarkan  nasiibka u yeelan ee ay uga soo tageen Xarumahooda shaqo.
Dhanka kale, Hogaanka Sare ee Hey’adda Socdaalka & Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) ayaa waqtiyadan dambe dadaal xoogan ugu jira sidii   Saraakiisha Hey’adda loogu heli lahaa tababaro sare loogu qaadayo aqoonta & feejignaanta howlaha socdaalka, iyadoo uu hiigsiga Hogaanka sarena yahay sidii isku filnaanshiyo buuxda oo dhanka waajibaad kooda shaqo ah loo wada gaarsiin lahaa guud ahaan Saraakiisha Hey’adda Socdaalka & Jinsiyadda Soomaaliya.
Previous Post

Madaxweynaha JFS oo khudbad kajeediyay madasha Iskaashiga Afrika iyo Ruushka+sawirro

Next Post

DFS oo Shirkadaha Shell/ExxonMobil oo kuleh Soomaaliya Xirmooyin Shidaal ka heshey Ijaarka Xirmooyinkaas

Next Post
DFS oo Shirkadaha Shell/ExxonMobil oo kuleh Soomaaliya Xirmooyin Shidaal ka heshey Ijaarka Xirmooyinkaas

DFS oo Shirkadaha Shell/ExxonMobil oo kuleh Soomaaliya Xirmooyin Shidaal ka heshey Ijaarka Xirmooyinkaas

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In