Saturday, June 28, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo shirar iyo bandhigyo uga qeybgalaysa Dalka Qadar+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
October 30, 2019
in Wararka
0
Soomaaliya oo shirar iyo bandhigyo uga qeybgalaysa Dalka Qadar+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Soomaaliya, Eng; Cabdi Cashuur Xasan, ayaa ka qeyb galaya bandhigga Tiknolojiyadda ee Dalka Qadar iyo Shirka kooxda heerka sare ee Madasha ammaanka Munich (Munich Security Conference).

Shirka iyo bandhiga Isgaarsiinta Qadar oo ay ka soo qeyb galeen madax ka socotay Dalal kala duwan ayaa waxaa daahfurey Amiirka Dowladda Qadar, Tamim bin Hamad Al Thani, Shirkan ayaa muddada uu socdo waxaa looga hadlayaa qodobbo ay ka mid yihiin ammaanka Internetka, horumarinta iyo Isticmaalka Tiknolojiyadda, hal-abuurka Dhallinyarada iyo dooddo kala duwan oo la xiriira isticmaalka adeegyada xukuumad danabeedka (e-government), iyo ganacsiga Ellektarooniga ah (E-commerce).

Related posts

Guddiga qaban qaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeeray Taliska Booliiska

Guddiga qaban qaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeeray Taliska Booliiska

June 28, 2025
Soomaaliya oo ka qayb gashay shirweynaha 3-aad ee anshaxa garaadka macmalka ah

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirweynaha 3-aad ee anshaxa garaadka macmalka ah

June 28, 2025

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ayaa sheegay in ka qeygalka shirarka iyo bandhigyada noocan oo kale ah ay muhiim u yihiin wadaagista khibradaha iyo qorshayaasha, gaar ahaan Dalka Qadar oo ka mid ah kuwa ugu horreeya Dalalka Carabta dhinaca baahinta Tiknolojiyadda.

”Waxaa naga go’an in aan sahmino helitaanka Dalal , Ururro, Shirkado iyo khubaro naga caawiya fulinta siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda Qaran ee Tiknolojiyadda ee ay dhowaan Wasaaraddu diyaarisey” ayuu yiri Wasiirka Boostada Soomaaliya, Mudane; Cabdi Cashuur Xasan.

Wafdiga Wasiirka oo uu ka mid yahay Maareeyaha guud ee hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane; Cabdi Sheekh Axmed ayaa inta ay joogaan Dalka Qadar waxa uu shir gaar ah la yeelanayaa Wasaaradda Gaadiidka iyo Isgaarsiinta Dalka Qadar, shirkan oo looga hadlayo iskaashiga Labada Dal ee dhinaca Isgaarsiinta iyo Tikonlojiyadda iyo isticmaalka Tiknolojiyadda ee ka hortagga iyo gurmadka musiibooyinka.

Previous Post

Maxkamadda C.Q.S oo xukun ku ridday eedaysanayaal uu ka mid yahay guddoomiyihii hore ee degmada Maxaas

Next Post

Xildhibaannada Golaha shacabka ansixiyay labo sharci oo muhiim ah “SAWIRRO”

Next Post
Xildhibaannada Golaha shacabka ansixiyay labo sharci oo muhiim ah “SAWIRRO”

Xildhibaannada Golaha shacabka ansixiyay labo sharci oo muhiim ah "SAWIRRO"

Guddiga qaban qaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeeray Taliska Booliiska

Guddiga qaban qaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeeray Taliska Booliiska

June 28, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh oo ay wehliyaan Xubnaha Guddiga Qabanqaabada...

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirweynaha 3-aad ee anshaxa garaadka macmalka ah

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirweynaha 3-aad ee anshaxa garaadka macmalka ah

June 28, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Mudane Axmed Cusmaan Diiriye, ayaa ka qaybgalay Shirweynaha 3aad ee Caalamiga ah...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

June 28, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Sabti, 28-ka Juun, 2025 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda...

Taliyaha Ciidan dhulka oo gaaray furimaha hore ee gobolka Shabeellaha dhexe

Taliyaha Ciidan dhulka oo gaaray furimaha hore ee dagaalka ee gobolka Shabeellaha dhexe

June 28, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, (Gen Khaalid) ayaa kormeer dhiirrigelin iyo dardaaran isugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In