Friday, May 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada Golaha shacabka ansixiyay labo sharci oo muhiim ah “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
October 30, 2019
in Wararka
0
Xildhibaannada Golaha shacabka ansixiyay labo sharci oo muhiim ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mudanayaasha Golaha Shacabka Barlamaanka Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu Shir Guddoominayay Guddomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta yeeshay kulankodii 6aad kalfadhigiisa 6aad ee Golaha Shacabka, waxaana ay Xildhibaannada Akhrinta seddaxaad marsiiyeen wax ka bedelka sharciga Iibka Qaranka, iyadoo Goluhu usoo gudbiyay Xoghayaha Guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda Qorsheynta iyo la xisaabtanka hay’adda Dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Aadan Cali Xasan.

Intaasi ka dib Xildhibaannada  Golaha ayaa  cod geliyay wax ka bedelka sharciga Iibka Qaranka, waxaana Codka haa ku ogolaatay 133-Xildhibaan laba Xildhibaan ayaa diiday, halka afar Xildhibaanna ay ka aamuseen sida uu natiijada codeynta ku dhowaaqay Guddoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Candiraxmaan oo kulanka shir guddoominayay.

Related posts

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

May 9, 2025
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

May 9, 2025

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim iyo Xildhibaan Aamina Sheekh Cusmaan oo ah Guddoomiye Kuxigeenka Guddiga maaliyadda, Miisaaniyadda, Qorsheynta iyo La Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ayaa mudanayaasha golaha uga mahad celiyay ansixinta sharcigan.

Sidoo kale Xildhibaan Aadan Cali Xasan Xoghayaha Guddiga Maaliyadda ayaa golaha usoo gudbiyay Akhrinta seddaxaad ee wax ka bedelka Sharciga furdooyinka, gaar ahaan qodobada wax ka bedelka lagu sameeyay.

Xildhibaannada oo sidoo kale sharcigan cod geliyay ayaa waxaa codka Haa ku ogolaatay 134-Xildhibaan waxaa diiday shan Xildhibaan, Halka seddax Xildhibaanna ay ka aamuseen.

Ugu dambeyn Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa maanta ka dooday Ajende horey uu goluhu ugu balansanaa oo ahaa in dood  laga yeesho soo xaadirista Xildhibaannada ee fadhiyada golaha, waxaana dooda ka hor Guddoomiyaha Golaha shacabka uu kaga hadlay muhiimada kalfadhigan iyo howlaha golaha horyaala.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada golaha shacabka ayaa fikirkooda ka dhiibtay soo xaadirista Xildhibaannada iyo howlaha muhiimka ah ee Golaha horyaala kalfadhigan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in doodda ku saabsan soo xaadirista Xildhibaannada ee kulamada Golaha  uu sii socon doono, waxaana uu Xildhibaannadda uga mahadceliyay sida ay uga go’antahay dar dar gelinta howlaha Golaha horyaala.

Previous Post

Soomaaliya oo shirar iyo bandhigyo uga qeybgalaysa Dalka Qadar+Sawirro

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Beesha Caalamka Ka Codsaday In Si Degdeg Ah Ay Uga Qayb Qaataan Gurmadka Fatahaadaha

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Puntland ugu hambalyeey 21 guurada ka soo wareegtay Xilligii la unkay maamulkaasi

Ra'iisul Wasaare Khayre Oo Beesha Caalamka Ka Codsaday In Si Degdeg Ah Ay Uga Qayb Qaataan Gurmadka Fatahaadaha

ogeysiis dadweyne

ogeysiis dadweyne

May 9, 2025
0

Lifaaqa 3 - Ogeysiis Dadweyne   Lifaaqa 4 - Application Form_SOM

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

May 9, 2025
0

Ugu yaraan 48 qof ayaa la soo wariyay in ilaa hadda la dilay ,iyadoo 32 ka mid ah lagu dilay...

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

May 9, 2025
0

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud oo la hadlay wabaahinta qaranka ayaa ka warbixiyay dhibaatooyinka gaarka ah...

Dowladda Soomaaliya oo ku guuleysatay inay shaqaaleysiiso ku dhawaad 10-kun oo dhalinyaro ah

Dowladda Soomaaliya oo ku guuleysatay inay shaqaaleysiiso ku dhawaad 10-kun oo dhalinyaro ah

May 9, 2025
0

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada XFS ayaa horumar ka sameysay heshiiska shaqaaleysiinta dhallinyarada Soomaaliyeed, si kor loogu qaado fursadaha shaqo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In