Sunday, July 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada Golaha shacabka ansixiyay labo sharci oo muhiim ah “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Xildhibaannada Golaha shacabka ansixiyay labo sharci oo muhiim ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mudanayaasha Golaha Shacabka Barlamaanka Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu Shir Guddoominayay Guddomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta yeeshay kulankodii 6aad kalfadhigiisa 6aad ee Golaha Shacabka, waxaana ay Xildhibaannada Akhrinta seddaxaad marsiiyeen wax ka bedelka sharciga Iibka Qaranka, iyadoo Goluhu usoo gudbiyay Xoghayaha Guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda Qorsheynta iyo la xisaabtanka hay’adda Dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Aadan Cali Xasan.

Intaasi ka dib Xildhibaannada  Golaha ayaa  cod geliyay wax ka bedelka sharciga Iibka Qaranka, waxaana Codka haa ku ogolaatay 133-Xildhibaan laba Xildhibaan ayaa diiday, halka afar Xildhibaanna ay ka aamuseen sida uu natiijada codeynta ku dhowaaqay Guddoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Candiraxmaan oo kulanka shir guddoominayay.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo ka qeybgalay Shirweynaha Dhaqaalaha Afrika

Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo ka qeybgalay Shirweynaha Dhaqaalaha Afrika

July 12, 2026
Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah maanta ku qaybisay magaalada Caabudwaaq

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah maanta ku qaybisay magaalada Caabudwaaq

July 12, 2026

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim iyo Xildhibaan Aamina Sheekh Cusmaan oo ah Guddoomiye Kuxigeenka Guddiga maaliyadda, Miisaaniyadda, Qorsheynta iyo La Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ayaa mudanayaasha golaha uga mahad celiyay ansixinta sharcigan.

Sidoo kale Xildhibaan Aadan Cali Xasan Xoghayaha Guddiga Maaliyadda ayaa golaha usoo gudbiyay Akhrinta seddaxaad ee wax ka bedelka Sharciga furdooyinka, gaar ahaan qodobada wax ka bedelka lagu sameeyay.

Xildhibaannada oo sidoo kale sharcigan cod geliyay ayaa waxaa codka Haa ku ogolaatay 134-Xildhibaan waxaa diiday shan Xildhibaan, Halka seddax Xildhibaanna ay ka aamuseen.

Ugu dambeyn Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa maanta ka dooday Ajende horey uu goluhu ugu balansanaa oo ahaa in dood  laga yeesho soo xaadirista Xildhibaannada ee fadhiyada golaha, waxaana dooda ka hor Guddoomiyaha Golaha shacabka uu kaga hadlay muhiimada kalfadhigan iyo howlaha golaha horyaala.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada golaha shacabka ayaa fikirkooda ka dhiibtay soo xaadirista Xildhibaannada iyo howlaha muhiimka ah ee Golaha horyaala kalfadhigan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in doodda ku saabsan soo xaadirista Xildhibaannada ee kulamada Golaha  uu sii socon doono, waxaana uu Xildhibaannadda uga mahadceliyay sida ay uga go’antahay dar dar gelinta howlaha Golaha horyaala.

Previous Post

Soomaaliya oo shirar iyo bandhigyo uga qeybgalaysa Dalka Qadar+Sawirro

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Beesha Caalamka Ka Codsaday In Si Degdeg Ah Ay Uga Qayb Qaataan Gurmadka Fatahaadaha

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Puntland ugu hambalyeey 21 guurada ka soo wareegtay Xilligii la unkay maamulkaasi

Ra'iisul Wasaare Khayre Oo Beesha Caalamka Ka Codsaday In Si Degdeg Ah Ay Uga Qayb Qaataan Gurmadka Fatahaadaha

Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo ka qeybgalay Shirweynaha Dhaqaalaha Afrika

Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo ka qeybgalay Shirweynaha Dhaqaalaha Afrika

July 12, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka, ahna Lataliyaha Dhaqaalaha ee Madaxweynaha Dr. Xasan Aadan Hoosow, ayaa Soomaaliya ku matalay Shirweynaha Dhaqaalaha Afrika...

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah maanta ku qaybisay magaalada Caabudwaaq

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah maanta ku qaybisay magaalada Caabudwaaq

July 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee (SoDMA), ayaa maanta deeq gargaar raashin ah gaarsiisay qoysas danyar ah oo ku...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka oo kulan la yeelatay Wasiirka Qoyska iyo Arrimaha Bulshada ee Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka oo kulan la yeelatay Wasiirka Qoyska iyo Arrimaha Bulshada ee Turkiga

July 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka JFS, H.E. Amb. Marwo Khadija Mohamed Al-Makhzoumi, ayaa magaalada Islamabad ee dalka...

Wasiir Fiqi oo ka tacsiyadeeyay geerida Wariye Maxamed Diiriye Dhakat

Wasiir Fiqi oo ka tacsiyadeeyay geerida Wariye Maxamed Diiriye Dhakat

July 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelladii, qaraabadii,Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In