Thursday, July 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirka Wasiirrada Gaadiidka Jaamacadda Carabta ee lagu qabtay Masar+Sawirro

admin by admin
November 15, 2019
in Wararka
0
Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirka Wasiirrada Gaadiidka Jaamacadda Carabta ee lagu qabtay Masar+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

July 3, 2025

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Salaad (Oomaar), ayaa Magaalada Elexandria ee Dalka Masar kaga qeyb galay shirka Wasiirrada Gaadiidka Dowladaha Carabta.

Shirkan oo ahaa mid ay Sanadkiiba mar yeeshaan Wasiirrada Gaadiidka ee Waddamada ku jira  Jaamacadda Carabta ayuu ajendihiisu ahaa sidii ay Dowladahaasi u adkayn lahaayeen xiriirkooda ku aaddan xoojinta iskaashiga Gaadiidka.

Kulanka ayaa lagu go’aamiyay in Dowladda Falastiin laga caawiyo dhaqaalaha Gaadiidka, in hay’adda socdaalka Adduunka ee IOM ay Xafiis ka furato Magaalada Qaahira, in laysla qaato shuruucda ay dhowaan midowga Yurub kasoo saareen duulista Hawada iyo qodobbo kale.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane; Maxamed C/llaahi Oomaar ayaa soo jeedinta Wasiirrada Gaadiidka Carabta kalsooni u muujiyay, isago sheegay in mar waliba ay Dowladda Soomaaliya ka go’an tahay Garab istaagga Walaalahood reer Falastiin .

Mudane; Oomaar iyo dhiggiisa Dalka Masar ayaa ka wada hadlay in Labada Wasaaradood ay si gaar ah isaga kaashadaan horumarinta Gaadiidka.

Wuxuu sidoo kale Wasiir  Oomaar kulan la qaatay madaxa Academiyadda culuumta Gaadiidka oo hoos tagta Jaamacadda Carabta, isla markaana ah halka uu kulanku ka dhacay, waxanay ka wada hadleen sidii loo kordhin lahaa deeqaha wax barasho ee Ardayda Soomaaliyeed ay ka helaan Akadeemiyada iyo in Wasaaradda Gaadiidka loo soo diro koox farsamo oo ka caawiso dejinta siyaasadda Gaadiidka.

Wasiirka ayaa ugu dambayn casuumaad gaar ah u sameeyay 5 Arday oo dhigata Akadeemiyadda culuumta Gaadiidka, wuxuuna kula  dardaarmay in ay sii laba jibbaaran dedaalkooda waxbarasho, isagoo ku dhiiri geliyay in ay yihiin mustaqbalka Dalka.

Previous Post

Wasaaradda Warfaafinta oo soo saartay qoraal ay ku hagayso hay’adaha Caalamiga ah ee ka howl-gala Dalka

Next Post

Wasaaradda arrimaha gudaha oo war kasoo saartay siyaasadda aqoonsiga iyo diiwaangelinta Dadweynaha

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo soo dhawaysay Kacdoonka shacka Bakool ee ka dhanka ah Argagixiada

Wasaaradda arrimaha gudaha oo war kasoo saartay siyaasadda aqoonsiga iyo diiwaangelinta Dadweynaha

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda ugu sarreysa hey’adda...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

July 3, 2025
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa ka qeyb-galay munaasabadda daah-furka ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee deegaanada...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

July 3, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan sagootin ah xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Koonfur Afrika u tegay furitaanka Safaaradda cusub

July 3, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa soo gaaray dalka Koonfur Afrika, halkaas oo uu u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In