Sunday, October 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS iyo Xubno ka socday Jaamacadda Umadda oo kormeeray xarumaha Warbaahinta Qaranka+sawirro

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS iyo Xubno ka socday Jaamacadda Umadda oo kormeeray xarumaha Warbaahinta Qaranka+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane C/raxmaan Sheekh yuusuf (Cadaala) oo ay wehliyaan qaar kamid ah agaasimeyaasha waaxyaha ee wasaaradda ayaa kulan la qaatay xubno ka socday Jaamacadda Umadda,kuwaasi oo maanta soo booqday xarunta wasaaradda.

Waxyaabaha ay ka wada hadleen ayaa waxaa kamid ahaa xoojinta iskaashiga iyo wadashaqeynta Jaamacadda Umadda iyo Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada horumarinta Warbaahinta iyo sidii sare loogu qaadi lahaa tayada Wariyeyaasha ka howlgala warbaahinta Qaranka iyo in fursado tababara ah la siiyo dhalinyaro culuumta saxaafadda ka soo baratay jaamacadda Umadda,iyadoo ay ka qeybqaadanayaan quburo ku xeel dheer arrimaha warbaahinta,sida Yuusuf Garaad Cumar wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya,Prof C/qaadir Maxamed Dhicisow,hormuudka kuliyadda Saxaafadda ee Jaamacadad Umadda,iyo Khaalid Mocow C/qaadir guddoomiyaha guddiga Saxaafadda ee Golaha Shacab ,kuwaasi oo barayaal ka ah jaamacadda Umadda.

Related posts

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025
KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

October 12, 2025

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane C/raxmaan Sheekh yuusuf (Cadaala) ayaa balan qaaday in ka wasaarada ahaan ay kala shaqeyn doonaan Jaamacadda Ummadda arrimihii la isla meel dhigay ee dhinaca iskaashiga ah.

Kulanka kadib waxaa ay si wada jir ah ay u kormeereen xarumaha warbaahinta sida Wargeyska Dalka iyo Wakaaladda SONNA,halkaasi oo warbixin kookabn kaga dhageysteen Cali C/qaadir Cali agaasimaha Wakaaladda SONNA iyo Wargeyska Dalka,sidoo kale waxaa ay kormeereen xarunta TV Qaranka oo uga warbixiyay Faarax Dharaar agaasimaha TV,halka Radio Muqdishona ay warbixin kaga dhageysteen agaasimaha Radio Muqdisho Yaxye Cali Faarax.

Mas’uuliyiintani ayaa isla meel dhigay in la is dhaafsado aragtiyo iyo qibrado la xiriira iskaashiga horumarineed ee warbaahinta iyo in la soo saaro dhalinyaro aqoontoodi ay sareyso,waxaana xubnahii ka socday Jaamacadda umadda  ay balan qaadeen in kaalin ay ka qaadan doonaan sidii sare loogu qaadi lahaa garaadka iyo heerka aqooneed ee wariyeyaasha.

         

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta XFS iyo Wasiir kuxgieenka Arrimaha Dibadda Talyaaniga oo wada jir u furay Shirka Afrika& Italy Business Week+sawirro

Next Post

Mas’uuliyiinta Isboortiga Gobolka Banaadir oo kormeeray xarunta dhallinyarada Gobolka+Sawirro

Next Post
Mas’uuliyiinta Isboortiga Gobolka Banaadir oo kormeeray xarunta dhallinyarada Gobolka+Sawirro

Mas’uuliyiinta Isboortiga Gobolka Banaadir oo kormeeray xarunta dhallinyarada Gobolka+Sawirro

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada , oo kaashanaysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa maanta furtay Watashi Qaran oo socon doona...

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qadar u fadhiya...

Madaxweynaha JFS Oo Kulan La Qaatay Dhiggiisa Dalka Itoobiya

Madaxweynaha JFS Oo Kulan La Qaatay Dhiggiisa Dalka Itoobiya

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO(ADIS ABABA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In