Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta XFS iyo Wasiir kuxgieenka Arrimaha Dibadda Talyaaniga oo wada jir u furay Shirka Afrika& Italy Business Week+sawirro

admin by admin
November 26, 2019
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta XFS iyo Wasiir kuxgieenka Arrimaha Dibadda Talyaaniga oo wada jir u furay Shirka Afrika& Italy Business Week+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkani oo u dhexeeya dalalka Afrika iyo Talyaaniga looguna magaca daray (Afrika & Italy Business Week) ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Milano ee dalka Talyaaniga,kaasi oo ay si wada jir ah u fureen Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) iyo wasiir kuxigeenka arrimaha dibadda ee dalkaasi Talyaaniga (Emanuela Claudia Del Re).

Inta uu socdo shirkan waxaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha Ganacsiga Dalxiiska,iyadoo ay iska kaashanayaan wadamada Talyaaniga iyo Afrika oo Soomaaliyana ay kujirto sidii looga faa’ideysan lahaa fursadaha ganacsiga Dalxiiska ee labada dhinac,wuxuuna socodn doonaa muddo labo maalmood ah.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

Mudane Maxamed Cabdi xayir (Maareeey) Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya oo ka hadlayay furitaanka shirkan (Afrika& Italy Business Week) ayaa dowladda Talyaaniga iyo Shacabkeeda ku ammaanay martigelinta muhaajiriinta Afrika ee dalkaasi galaya.

“Marti sharafka, hal abuurayaasha bulshooyinka Italy iyo Africa,diplomaasiyiinta,dhamaan mamuuskasta oo aad halkani ku fadhisaan,waxaan idin leeyahay subax wanaagsan , anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan wafdigan aan hoggaaminayo, marka ugu horeysa waxaan rabaa in aan halkan kaga mahadceliyo dowladda iyo shacabka Talyaaniga,casuumaaddani oo ku aadan shirkan (Africa & Italy Business Week)kaasi oo ay martigelinayso magaaladan quruxda badan ee Milano,waxaan rabaa markale anigoo ku hadlaya magaca wadamada Afrika  in aan uga mahadceliyo dowladda Talyaaniga badbaadinta iyo martigelinta muhaajiriinta badan oo Afrikaan ah,kuwaasi wadankan ku soo galaya hab sharci daro ah“.Ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta Waxuu la kulmay shir fool ka fool ahna la yeeshey  Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada Dalka Talyaaniga Emanuela Claudia Del Re ,iyagoo ka wada hadlay horumarinta warbaahinta gaar ahaan Keydka Radio Muqdisho.

C/risaaq Cabdi Cadullaahi agaasimaha Waaxda Dalxiiska ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale ayaa ku wehliya safarka wasiirka,waxaana inta ay halkaasi joogaan sidoo kale kulamo kaladuwan la yeelan doonnaan mas’uuliyiinta shirkaasi ka qeybgalaysa.

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa muddooyinkan dambe ku howlanayd sidii loo horumarin lahaa ganacsiga Dalxiiska Dalka,maadaama dalka uu haatan ka soo kabsanaya dagaaladii sokeeyey iyo burburkii,islamarkaana uu cagta saaray dhabihii horumarka dowladnimo.

          

 

Previous Post

Mogadishu mayor calls to stand up for the problems caused by the rains

Next Post

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS iyo Xubno ka socday Jaamacadda Umadda oo kormeeray xarumaha Warbaahinta Qaranka+sawirro

Next Post
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS iyo Xubno ka socday Jaamacadda Umadda oo kormeeray xarumaha Warbaahinta Qaranka+sawirro

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS iyo Xubno ka socday Jaamacadda Umadda oo kormeeray xarumaha Warbaahinta Qaranka+sawirro

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In