Tuesday, January 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo qorsheynaysa in ay dib u dhisto Safaaraddeeda Dalka Turkiga

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo qorsheynaysa in ay dib u dhisto Safaaraddeeda Dalka Turkiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Danjire; Axmed Ciise Cawed iyo  wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku tagay Dalka Turkiga ayaa kulamo la qaatay dhiggiisa Dalka Turkiga Mudane; Melvut  Cavusoglu oo uu welinayay Danjira Safaaradda Sooaaliya ee Dalka Tukiga, Jamac Cabdullaahi Maxmed Caydiid.

Mas’uuliyiintan ayaa waxay ka wada hadleen, dhismaha Dhulka Safaaradda Soomaaliya ee Ankara in ay Dowladda Turkiga Gacan weyn ka geysato, cusboonaysiinta  heshiiska qoondada taageerada caafimaadka ee shaqaalaha Dowladda iyo waxyaabo kale oo ku saabsan xiriirka diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Related posts

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026

Wasirka Wasaaradda arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS  Danjire; Axmed Ciise Cawed  iyo dhiggiisa Dalka Turkiga, Melvut  Cavusoglu  ayaa  kala saxiixday heshiiskaasi.

Wuxuuna heshiiskaasi ahaa mid si gaar ah ugu dhexeeya Machadka Dibloomaasiyadda ee Soomaaliya iyo Akademiyada Dibloomaasiga ee Dalka Turkiga oo dhammaantood hoos taga Wasaaradaha arrimaha dibedda ee Labada Dal.

Wasiir Cawad ayaa u mahad celiyay dhiggiisa  Dalka Turkiga  iyo Shacabkooda, isagoo u waday Salaan ka timid Madaxweynaha JFS iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federalka ee Soomaliya.

Wuxuuna bogaadiyay sida fudud ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ay VISA uga helaan Turkiga, taageerada kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ku jiraan Garoonka Diyaaradaha, Dekedda iyo qaar ka mid ah Isbitaallada Dalka soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale ka mahad celiyay Wasiirku deeqaha waxbarasho ee uu Sanad walba siiyo Ardayda Soomaaliyeed , taageeridda tooska ah ee miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya iyo xiriirka diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga .

Previous Post

Hey’adda Cunnadda iyo Beeraha ee Q M oo doomo casri ah ku wareejisay Dowlad Gobaleedka Puntiland “Sawirro”

Next Post

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa ku guuleysatay Abaal marinta loo yaqaano MINERVA PRIZE “Sawirro”

Next Post
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa ku guuleysatay Abaal marinta loo yaqaano MINERVA PRIZE “Sawirro”

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa ku guuleysatay Abaal marinta loo yaqaano MINERVA PRIZE "Sawirro"

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caddaaladda oo war ka soo saartay hannaanka dib u eegista Dastuurka

January 27, 2026
0

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ka jawaabeysaa hadallo dhawaan ay jeediyeen qaar ka mid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In