Friday, May 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada xoogga dalka oo ku wajahan deegaanno Galbeedka ka xiga Baardheere

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Ciidanka Xoogga dalka oo khasaare lixaad leh gaarsiiyey  Argagixisada Al-shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee fariisinkooda yahay Degmada Baardheere ayaa bilaabay howlgal balaaran oo ay Al-Shabaab kaga saarayaan deegaanno dhaca Galbeedka Degmada Baardheere oo maalmahii la soo dhaafey ay soo buux dhaafiyeen  maleeshiyaadka argagixsiada Al-Shabaab.

Dhame Cali Turkish oo ah Taliyaha Ururka 49 aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ee Degmada Baardheere oo la hadlayey Barnaamijka SAMAWADE ayaa sheegay in  ay ka go’an tahay sidii Al-Shabaab ay uga saari lahaayeen qeybo badan oo ka tirsan Gobolka,

Related posts

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 1st May, 2026

May 1, 2026

ToddobaaWarbixinta dlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 1st May, 2026

May 1, 2026

Arintan ayaa timid kaddib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay dadka degan tuulada Reydab oo Baardheere u jirta ilaa 55-KM ay si qasab ah uga qaateen xoolo  nool oo gaaraya ilaa 450 neef oo isugu jira Geel iyo Ari, iyagoo sidoo kale afduubtey shan ka mid ah duqeyda deegaanka.

Dhame Cali Turkish ayaa xusay in ciidamada xoogga dalka ay ka jawaabeen falalka guracan ee ay maleeshiyada Al-Shabaab kula kaceen dadka degan Tuulada Reydab, isla markaana ay ciidamada kaabiga ku hayaan tuulooyinka  Reydab, Muudaale, Sidimo, Kantama, Takar ,dhamaan tuulloyinkaasi oo Baardheere u jira qiyaastii 60km ilaa 45 km, halkaasi oo ay isaga carareen argagixsada Al-Shabaab.

Ilaa iyo hadda deegaannada ay gaareen ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya, lama kulmin wax iska caabin ah.

Previous Post

Safiirka Soomaailya u fadhiya Dalka Turkiga oo caddeeyay in muwaaddiniinta Soomaaliyeed uusan saameyn doonin go’aankii turkiga

Next Post

Golaha Aqalka Sare oo ansixiyay  Hindise-Sharciyeedka Shirkadaha Dalka “SAWIRRO”

Next Post
Golaha Aqalka Sare oo ansixiyay  Hindise-Sharciyeedka Shirkadaha Dalka “SAWIRRO”

Golaha Aqalka Sare oo ansixiyay  Hindise-Sharciyeedka Shirkadaha Dalka "SAWIRRO"

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 1st May, 2026

May 1, 2026
0

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 1st May, 2026   1- President Hassan Sheikh Mohamud hosted a dinner...

ToddobaaWarbixinta dlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 1st May, 2026

May 1, 2026
0

ToddobaaWarbixinta dlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 1st May, 2026 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Villa Somalia casho...

Agaasimaha Caafimaadka Galmudug oo akhriyay warmurtiyeedka shirka maalgelinta caafimaadka

April 30, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Galmudug, Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed, ayaa akhriyay warmurtiyeedka Shirweynaha 1aad ee...

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga Fikirka Xagjirka ah

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga Fikirka Xagjirka ah

April 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In